Xarakada Al-Shabaab oo magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Hub iyo gaadiid dagaal ay ka soo qabsadeen Ciidamada Kenya

Thursday, September 6, 20120 comments

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo bandhigtay hub fara badan iyo gaadiid dagaal ay ku qabsatay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Jubada Hoose, kaasoo ay sheegteen inay ka gaareen guulo la taaban karo.

Fagaaraha Beerta Xoriyada ee magaalada Kismaayo ayaa lagu soo bandhigay Hub isugu jira rasaas, qoryaha fudud sida BKM, AK47 iyo Gaadiid dagaal iyo lacagta Shilinga Kenya.


Saraakiil ka tirsan Shabaab oo la hadlay dadkii isugu yimid fagaaraha ayaa sheegay in guul weyn ka gaareen dagaaladii ay la galeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda.


Boqolaalka ruux ee ka soo qeyb galay fagaaraha ayaa lagu wargeliyay inay isu diyaariyaan dagaal kama dambeys ah oo lala galo Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ee duulaanka ku soo ah magaalada Kismaayo.


Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay Kismaayo meydadka Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, inkastoo Kenya ay beenisay in askarta la dilay ay ka tirsanaayeen Ciidamadeeda.


Xiisado dagaal ayaa waxay wali ka taagan yihiin deegaanada u dhaxeeya Kismaayo iyo Afmadow, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo faraha looga gubtay oo ku dhex maray Ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Shabaab.



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog