Daawo Sawir Cajiib ah oo laga sameeyay Tirada Golaha Wasiirada ay isku heestaan R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha

Tuesday, October 30, 20120 comments

Xili wali aan lagu dhawaaqin Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya lana sheegay dib u dhacaasi in ay sabab u tahay tirada golaha Wasiirada laga dhigayo ay isku heestaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa lasoo bandhigay sawir cajiib ah oo ka turjumaya ismari waaga labada dhinac.


Madaxweynaha iyo Xibigiisa ayaa iyagu doonaya in golaha Wasiirada aan laga badin ilaa 9-Wasiir inta ugu muhiimsana Wasiiradaasi ay qaataan rag katirsan Xisbiga iyo kuwa Siyaasad ahaan xisbiga uu Madaxweynaha Hogaamiyo ee PDP aan ka fogeen.



R/Wasaare Saacid oo isagu ka cabsi qaba hadii Golaha Wasiirada uu ku koobo 9-Wasaaradood in beelo badan mucaaradaan Xukuumadiisa sidoo kale Culees uu kala kulmo Baarlamaanka Ansxinta Wasiiradaasi oo laga yaabo in ay diidaan Baarlamaanka ,hadii labo mar ayna kuceliyaan Baarlamaanka oo diidaan Wasiirada uu soo dhisay R/Wasaaraha uu sidaasi isna daaqada uga baxo R/Wasaare Saacid sida uu sharciga qabo.


--> Hada Murankaasi taagan ayaa Sawir cajiib ah waxaa kasameeyay Kartooniistaha caanka ah ee Amin Arts oo soo sawiray Qaranka oo dhiig baxaya iyo labada Masuul ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo isku mashquuliyay muran ku aadan tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada xili uu dalku ku jiro dagnaansho aan cago adag ku taagneen.


Wali lama oga tirada laga dhigi doono Golaha Wasiirada Cusub ee la isla dhaxmarao in 9-laga dhigayo halka warar kalana sheegayaan in laga badin doonoloona badinayo in laga dhigo tiradii hore ee 18-ka Wasiir ama tiro kale oo 9-Wasiir ka badan.













--> 

Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog