Chandra Bahadur Dangi ayaa loo aqoonsaday in uu yahay ninka ugu gaaban dunida kadib baaritaan dheer oo lasameeyay oo lagu ogaaday in uu cabirkiisu yahay 21.5 inches (54.6 centimeters).
Ninka aduunyada ugu gaaban waxaa dhib ku ah in uu shaqeesto waana beeraley 72 jir waxa uuna u dhashay dalka Nepale.
Hey’ada lagu magacaabo Guinness ee abaalmarinada ku bixisa waxyaabaha Mucjisooyinka ah ee caalamka ka dhaca ayaa soo bandhigtay Dangi oo heesta laba shahaado oo kala ah ninka dunida ugu gaaban ee xilligaan nool iyo qofka ugu gaaban ee abid ay soo bandhigeen tan iyo xilligii ay bilaabeen abaalmarinada oo laga joogo 57-sano.
Waxa uu kunoolyahay miyiga fog ee Nepale gaar ahaa xaafada Reemkholi ee degmada Dang oo 217 mile u jirta caasimada Kathmandu waxa uuna kaqaaday record-kaan ninka u dhashay dalka philipine ee Junrey Balawing kaas oo cabirkiisu ahaa 23.5 inches (60 centimeters).
Odaygaan ayaa markii ugu horeysay caasimada dalka booqasho ku tegay shan sano kahor mar laweydiiyay sababaha uu u sheegan waayay in uu yahay ninka dunida ugu gaaban marhorana waxa uu sheegay in qoyskiisa aysan kawar qabin arintaan oo aqoontu ku yareed.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com