Xabsiya dalka Liibiya ayaa waxaa ku tabaaleeysan maxaabiis badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo bilooyin badan ku xeran jeelasha wadankaasi oo aysan jirin cid umaqan oo arrintooda daba gasha ama udacwoota si ay wadankaasi ay uga helaan aqoonsi qaxootinima.
-->
Xigasho Allbanaadir.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Maxaabiis gaareeysa ilaa 150 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ku xeran xabsiga lagu magacaabo Duweshi oo ku yaala Magaalada Tariiboli , maxaabiistaan ayaa la sheegay in laxeray 1/4/2012 , waxaana maxaabiistaan xabsiga ku heeysata nolol xumo iyo caafimaad darro oo aysan heeysan cid daryeesha noloshooda , waxaana qaarkood la ildaran yihiin cudurro halka dumar qaarna ay yihiin kuwa uur leh.
Muhaajiriintaan Soomaalida ah oo doonaya in ay tahriib ku tagaan dalalka Yurub ayaa lakulma xarig mararka qaarna naftooda kuwaaya jirdillo ay kala kulmaan ciidamada dalkaasi , maxaabiistaan Soomaaliyeed ayaa kaalmo ka helin ha,adaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay iyo Safaarada Soomaalida ee dalka Liibiya oo gabtay kaalintoodi kaga aadaneed udoodida dadka dhibaateeysan ee Soomaaliyeed oo ay mararka qaar lacago baad ah ay kaqaadaan mas,uuliyiinta Safaarada ,iyagoo sheega in ay soo deeynayaan balse aan waxba uqaban oo jeebka un ay ka buuxsadaan.
Wadanka Liibiya ayaa waxaa ku xeran Maxaabiis lagu qiyaasay 700 oo isugu jira rag iyo dumar , waxaana jirin cid ka hadasha arrintooda , iyadoo dowladii hore uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed ay ka gaabisay wax uqabasha dadkaa tabaaleeysan oo ka hayaamay nolol xumadi ka jirta wadanka Soomaaliya oo ay doonayeen in ay wadamada Yuurub ka haleen nolol tan aay Soomaaliya ku heeysteen u dhaanto , waxaana dowlada cusub ee hada la doortay ay wali ka hadlin muhaajiriintaa Soomaaliyeed ee ku tabaaleeysan xabsiyada wadanka Liibiya.
-->
Ugu danbeeynti Maxaabiistaan Soomaaliyeed ayaa ka codsaday madaxweynaha cusub Xassan Sheekh Maxamuud in uu arrintooda wax ka qabto oo uu dowlada Liibiya xiriir la soo sameeyo si loo siidaayo Soomaalida ku xeran wadankaasi , waxaana sidoo kala ugu baaqeen in mas,uuliyiinta safaarada Soomaalida Liibiyo labadalo maadaama ay ka ganacsadaan dhiiga shacabka qaxootiga ku ah wadankaasi oo ay ka qaatan lacago marka la xero kadibna aan waxba uqaban oo ay kaga dhaqaaqaan baanaan.
-->
Xigasho Allbanaadir.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com