Dhawaan Dalka Mareykanka waxaa ka dhacday Dhacdo layaab leh oo nuuceeda aan la arag kadib markii Nin Si Live ah isaga oo loo daawanayo uu madaxa iska toogto sidaana uu u geeriyooday.
Dhacdadan oo ka dhacday Deegaan ku yaala dhulka lama dagaanka ah ee Arisona ee dalka Maraykanka waxaana soo bandhigay Tv-ga Fox New xili ninkan uu madaxa iska tooganayay taa oo dad badan layaab kunoqotay.
Ninka is toogtay ayaa la sheegay ay ay bursanayeen Ciidamada Booliiska xiliga la tooganayay waxa uu ahaana ahaa Nin burcad ah oo gaari soo dhacay ,waxa uuna ka baqayay in uu u gacan galo Ciidamada Booliiska sidaana isku toogtay.
Nin gaari dhacay oo ay Polioce-ku ceersanayeen, islamarkaasina kaamarooyinka taleefishinka ay daba socdaan, toosna looga daawanayay taleefishinka ayaa madaxa iska toogtey.
Taleefishinka Fox News ayaa raali galin ka bixiyay Muuqaalkan uu soo bandhigay ee Ninka Sida Live-ka ah loo soo bandhigay xili uu Madaxa xabad iskaga dhufanayay , maadaamaa digniin la’aan muuqaal qof is dilaya ama la dilayo ama xabad ku dhacayso aanan la ogoleyn qaanuun ahaan in lasoo daayo.
Dhacdadan ka dhacday Dalka Mareykanka ayaana dad badan layaab ku abuurtay maadaama ninkan madaxa iska toogtay cabsi uu ka qabay in la qabto uu xabsi galo .
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com