Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay awooda cusub ee uu la soo baxay Qab-qablaha Qadka dhexe ee Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Bianconeri La Vecchia Signora (Juventus) Andrea Pirlo.
Ciyaaryahan Andrea Pirlo ayaa la sheegay in uu ku socdo Wadadii Zinedine Yazid Zidane maxaa yeelay Xiddigaan ayaa isaga oo Weekiyo ah waxa uu la soo baxay dar dar cusub wuxuuna Garoonka ka taagan yahay meel kasta xiliga ay Ciyaarayaan kooxda Juventus ama Qaranka Italia.
Gudaha dalka Talyaaniga waxaa looga yaqaan Ciyaaryahan Andrea Pirlo magac Soomaali ahaan u dhigma Boqorkii Bilisiyoonka wuxuuna kalmadaas ku muteeystay Xiddigaan oo ah Laacib aanan inta badan Goosha la gafin Kubada Bilisiyoonka ah.
Qaar ka tirsan Saxaafada Caalamka kuwooda ka faalooda Ciyaaraha Kubada cagta ayaa Ciyaaryahan Andrea Pirlo waxeey ugu yeeraan Darawalka Kooxda Juventus waxeeyna qaarkood qoreen inay kooxda Ac Milan qasaartay markii ay Xiddigaan iska iibiyeen iyaga oo ka cararayay inuu Duqoobay balse Weekiyo Andrea Pirlo ayaa gadaal ka soo kacsaday sidii ciyaaryahan Zinedine Yazid Zidane oo kale.
Arinta ugu hadal heeynta badan Saxaafada Caalamka waxa ay noqotay Ciyaaryahan Andrea Pirlo oo Bilisiyoon Cajiib ah ku gaaday kooxda As Roma kulankii Juventus Vs As Roma (4-1). Pirlo oo keenay Qiyaanada Bilisiyoonka wuxuu hoos Bilisiyoon kaga xasuuqay Xiddigaha kooxda As Roma oo kulankaan kor u booday ka dib markii ay u qaateen in Pirlo uu Bilisiyoonka u tuuri doono qaabkii hore ee lagu yaqiinay (kor).
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com