Al-shabaab oo fariin dhinacya badan xaasaasina ah u diray qurba joogta Soomaaliyeed

Tuesday, November 20, 20120 comments

Cali Dheere

Afayeenka Al-shabaab, Cali Maxamuud raage(Cali Dheere) ayaa waxa uu baaq u jeediyay qurba joogta Soomaalida ah si ay u caawiyaan.

Cali Dheere ayaa yir, “Qurba joogeey Inaga nataageera, Xaq ayaan ku taagannahay, dalka ayaan gaalo kadifaaceynaa, diinta Islaamka oo lagu soo duulay ayaan difaaceynaa”.

“Waxaan u baahanahay taageeradiinna dhanka afka, maaliyadda iyo nafta si looga adkaado cadawga lagu soo duulay”, Afayeenka Al-shabaab, Cali Maxamuud raage(Cali Dheere) ayaa sii raaciyay.

Cali Maxamuud raage(Cali Dheere) waxa uu inta ku daray in Qurba joogto ay ahaayeen dad ka qeyb qaatay colaadihii dalka soo maraay hasa yeeshee markaan loo baahanyahay in ay kabar bar dagaalamaan Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay qurba joogta hadii ay suura gasho in ay dalka kusoo laabtaan in aysan tegin goobaha dowladu kataliso hasa yeeshee Shabaabka ay u tagaan si amaankooda loo sugo isaga oo taa qiil uga dhigay in goobaha dowladu ka taliso aysan amaan aheyn.

Hadalka Cali Dheere oo isugu jira dhaqaale aruurin iyo hanjabaad ayaa waxa uu imaanayaa xilli maqaayada waaweyn oo qurba joogi Muqdisho ka furatay qaraxyo dad badani ay ku dhamaadeen lala eegtay, waxaana suura gal ah in arintaasi ay keento in dalalka caalamka guud ahaan ay isha ku hayaan qurba joogta dalka kusoo laabaneysa si aysan sahal ugu biirin Al-shabaab.

Horay ayaa dalalka caalamka qeybo kamid ah waxaa Soomaali ku nool lagu eedeeyay in ay taagero maaliyadeed Siiyaan Al-shabaab halka dhalinyaro badan oo Soomaali Mareykan ah ay dalka dib ugu soo laabteen kana bar bar dagaalameen Al-shabaab kuwaas oo qaarkood falal isqarxin ah ka geestay dalka.

Al-shabaab ayaa dhawaanahaan waxaa kaxirmay ila dhaqaale oo aad muhiim ugu ahaa kadib markii dekadii Kismaayo oo aheyd isha ugu macquulsan oo ay dhaqaale kahelaan lagala wareegay bilo kahor.











Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog