"Hadaan idin iraahdo Hadii kale waxaan lahaa , waxaa la idinka doonayaa inaad adinkana dhahdaan Aaheey " Sidaas waxaa yiri Al Fanaan Keeynaan Cabdi Warsame oo la xaqiijiyay in uu mar kasta Af Soomaaliga baro dadka Cadaanka ah ee Heesihiisa sida weeyn u jecel .
-->
Keynaan oo ku soo koray dalka Canada marnaba ma uusan hilmaamin dalkiisa Hooyo wuxuuna dhoor jeer Heeso wadani ah ka sameeyay dhibaatada ka taagan dalka Somalia.
Al Fanaan Knaan Abdi Warsame waa shaqsi jecel mar walba Wadaniyada iyo Qaranimada Soomaaliyeed wuxuuna Calanka Soomaaliyeed ka taagay Xaflado caalami ah oo loo qabtay Fanaaniinta Dunida ugu caansan .
Al Fanaan Keeynaan Cabdi Warsame oo mar kasta marti qaad ka helo Cadaanka Jecel Heesihiisa ayaa fursadaas waxa uu kaga faaideeystay in uu Cadaanka si farsameeysan oo xoog ah ku baro Luuqada afka Soomaaliga maadaama uu yahay Shaqsi jecel Soomaalinimada iyo Afkiisa Hooyo.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com