Haweenka caalamka ku nool badankood ayaa ah kuwo ku raxeesta cunista cuntooyin kala gadisan iyadoo waqtiyada nasashadana cunaan waxyaabo macmacaan ah oo ay ka mid tahay shuklaatada.
-->
Ugu danbeen Teresa ayaaa sheegtay in ay adag tahay in ay joojiso cunista dhagxaanta oo ay aad u macaansato mudana ay soo cuneysay.
Lakiin waxaa arinkaas gabi ahaanba laalay haweeneyda lagu magacaabo Teresa widener oo badalka cuntada daruuriga badalkeed ay cunto dhagxaan kuna raaxeesato.
Teresa oo ay da’deedu tahay 44 sano kuna nool magaalada Bedford gobalka Virginia dalka Maraykanka ayaa sheegtay in 20 ki sano ugu danbeesay cuneesay dhagxaanta waxa ayna intaasi raacisay in ay ku raaxeesato cunista dhagxaanta.
Halki isbuuc kaliya ayay cuntaa Teresa ilaaa hal kiilo iyo bar dhagxaan ah iyadoo gabi ahaanba inta ay soo waday cunista dhegxaanta ay soo cuntay kun iyo afar boql oo kiilo dhagxaan ah.
Inta badan haweeneydan ayaa soo aruursato dhegxaan ay sheegtay in ay aad u macaan yihiin oo ay calaajin ama ruugi karto qaarka ay dhib ku noqoto calajintooda ayay sheegtay in ninkeeda uu ujajabiyo.
“Waxaan dareemaa raaxo iyo deganaan dheeraad ah markaan cunaayo dagxaanta oo aanan helin marka aan cuneen” sidaasi waxa tiri Terese.
Dhakhtar baaritaan caafiimad ku sameeyay haweenaydaan ayaa sheegay in uu haayo cudur la yiraahdo Pica cudurkan oo ah in uu qofka luumiyo fitimiinka loo yaqaan feerada dabadeedna sababto dhiig yari.
-->
Cudurkaan Pica dadka qaba ayaa ah kuwo cuno Saabuunta,dhalooyinka iyo waxyaabo badan oo qashin ah.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com