Duuliyaasha Diyaaradaha ee caalamka ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay kala Caqli badan yihiin maxaa yeelay qaar ka mid ah Duuliyaasha marka ay Nafta u yaabaan oo Cilad adag ay soo food saarto waxa ay Diyaarada iyo Rakaabka saaran ku dajiyaan dhul xeeb ah si ay u yaraato qasaarada Dhimashada.
-->
Qaar ka tirsan Duuliyaasha ayaa marka ay dareemaan Cilada heeysata iyo in uu halaag soo socdo ayaa waxa ku beerma qal qal waxaana dhacdo intaas ka dib in dad fara badan ay halaagsamaan. Duuliyaasha kuwooda qibrada badan ayaa inta badan waxa ay sheegaan halka ay soo marayaan iyo Cilada heeysata Diyaarada.
Qabiiro ku taqsuusay Diyaaradaha dhaco ayaa qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in Duuliyaasha ay kala Geesinimo badan yihiin maxaa yeelay qaar ka tirsan Duuliyaasha ama Pilot-ka marka uu dareemo in Cilad qabsatay waxa uu dhibkaas ka qariyaa Rakaabka saaran Diyaarada balse waxaa Jira Duuliyaal iyaga qudhooda cabaadka bilaaba oo dadka Diyaarada saaran u sheega in la wada dhiman doono.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com