Haweeney isku dayday in ay saaxiibkeed khaarijiso kadib markii ay ku caburisay horaado waaweyn oo ay laheyd.

Wednesday, November 28, 20120 comments


Haweeney 33-sano jir ah oo u dhalatay dalka Germany ayaa lagu eedeeyay in ay saaxiibkeed kudil laheyd caburin ay kula sameysay dhextaalka labadeda naas oo ahaa kuwa aad u waaweyn.


Franziska Hansen oo ah hawwenyda eedeysan ayaa waxaa ninka qareenka ah ee saaxiibkeed u doodaya uu ku waramay in ay arintaani ka darantahay isku day dil oo loo adeegsaday hub maadaama iyada oo iska dhigeysa in ay u raaxeyneso saaxiibkeed ay naasaheeda kucaburisay.

Franziska ayaa dafirtay eedeynta iyada ku andcootay in baashaal lee ay ka aheyd oo saaxiibkeed aysan khaariji laheyn.

Ninka ay isku dayday in ay caburinta naasaha ay u deegsaneyso ay ku disho oo lagu magacabo Tim Schmidt ayaa isagu ku andacoonaya in ay u qirtay in ay dili rabtay xilli ay taleefan ku wada hadleen kadib markii uu kabad baaday falkaasi.

Waxa uuna Yiri, “waxa ay igu tiri waxaan doonayay adiga oo raaxeysanaya in aad dhimato”.

Waxa uu maxkamada u sheegay in iyaga oo si wanaagsan u baashaalaya ay madaxiisa gelisay bartanka labadeeda Naas kadibna intii xoog ay laheyd ay kula riixday.


Waxa uu sheegay in uu waayay meel uu kaneefsado uuna u qaatay in uu dhintay isaga oo kadibna si xooggan usoo booday.


Mr Schmidt, ayaa waxa uu ku andacooday in ugu danbeyn uu kafakaday uuna ku carary cid daris la’aheyd isaga oo aan wax dhar ah laheyn.

Waxa uu sheegay in xariirkooda saaxiibtinmo oo afar sano soo socday uu xumaaday kadib markii ay u guureen magaalada Unna ee dalka Germany markii shaqo qareenimo oo uu ku sahqeynayay ay ka idlaatay iyada oo saaxiibtiina dooneysay in ay shaqo kale uga baadigoobto halka ay ku noolaayeen si ay isula sii noolaadaan,hasa yeeshee aysan taasi suura gelin isna uu magaala kale shaqo kahelay ayna u cadaatay saaxiibtii in uu kategi rabo, kadibna ay qaadatay go’aanka ay ku dileyso












Xasan Maxamed 
Xafiiska Newbanaadir 
Oslo - Norway 
xasanyare09@live.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog