Waxaan ku dhashay deegaanka jalalqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana kusoo barbaaray isla deegaankaasi, waxbarashadeeda hoose,dhexe ayaa waxaan kusoo qaatay isla deegaanka
jalalaqsi, sanadkii 2000 ayaa waxaan imaaday magaaladda Balad Weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, halkaasi ayaan kusoo qaatay waxbarashadeeda heerka dugsiga sare.
Sanadkii 2006-tii ayaa waxaan xal u arkay in aan iskaga tago dalka Soomaaliya, si aan wax u qabsado, xilligaasi waxaan aad u xiiseen jiray dalka Koonfur Afrika, nasiib wanaag sidii ay rajadeedu ahayd ayaa helay, isla-markaana waxaa noqday ruux ka shaqeystay magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
-->
Muddo kadib ayaa waxaa khadka Shabakadda Msn-ka ku bartay gabar, gabadhaasoo noqon doonto midda iga fajacisay, iyadoo noqon doonto gabadha kaliya ee aan calman doono, markii inoogu horeysay oo aanu Msn-ka isku aragno ayaa bilownay dagaal xoogan, wuxuuna salka ku haayay adiga ayaa igu soo darsaday, iyo inkaar Allaha kuugu ridee war adigaa igu soo darsaday, dagaal khadka uun ku eg kadib, ayaa waxaa noqonay laba qof oo si wanaagsan isku barta.
Waxay ii sheegtay in Suleeqa la-yiraahdo, anna waxaan u sheegay in uu magacaygu yahay maxamed saciid , muddo laba bilood markaan khadka ku wada sheekeysaneynay ayaa waxaan suleeqa u arkay in ay tahay gabar fur furan oo dabeecad wanaagsan leh, deetana waxaan xal u arkay in aan sheeko la-wadaago, isla-markaana waxaa suleeqa u soo bandhigay in aanu noqono laba ruux oo sheeko wadaag ah, wixii inagu soo kordhana, ayaa waxaan ugu baaqay in aan isku af-garano, sidii ayay suleeqo iiga aqbashay, xilligaasna waxay ku nooleed caasimadda dalka Kenya ee Nairobo.
Waxaanu bilownay inaan hawada iska dhaafsano dhambaalo ay ku qoran yihiin ereyo wan wanaagsan oo laabta u roon, oraahyo mac macaan oo aysan indhuhu akhriskoodu ka daalin, waxaana dhihi karaa suleeqo waxay ahayd boqoradii hanatay qalbigayga, iyadoo ay inoo xigtay in aan khadka isku balansano, si aan iskaga aragno Shaashada Kaamirada (Web Camera), aragtidii aan suleeqo arkay ayaa waxaa noqday ruux ay ku furmaan mowjadu kala duwan, kuwaa oo ku aadan sidii aan suleeqo gacanta ugu dhigi lahaa, iyo sidii aan ku adkeyn lahaa xiriirka inaga dhaxeeya, waxaana suleeqo isku af-garanay in uu ina dhex maro Jaceyl diiran, sidii ayaanu yeelnay.
Marka ay suleeqa igala hadleyso khadka ayaa waxaan ahaa nin kusoo cesh-ceshta ereyada mac-macaan ay gacmaheedu igu soo qoreyso suleeqa, xaqiiqdii ebid maanan arag gabar ka sheeko iyo qosol macaan suleeqa (Ileen Ruuxa Aad Jaceshaay malab waa uu kaala macaan yahay), runtii waxay ahayd gabar si weyn ii soo jiidatay, anna waxaan ula dhacay si kal iyo laab leh.
suleeqo waxay ii soo bandhigtay in aan kasoo qaado dalka Kenya, si ay u soo gaarto dalka Koonfur Afrika, deetana aanu ku aqal-galno caasimaddii hore dalka Koonfur Afrika ee Johannesburg, inkastoo aan anna ku noolaa magaaladda Cape Town, codsiga ay i soo bandhigay gabadha aan ifka ugu jeclahay ayaa runtii u riyaaqay, waxaana xilligaasi ahaa nin lacag iska haysta, waxaan u diray lacag dhan 3500 oo lacagta Maraykanka ah (3,500 Us D).
Waxaan iska soo iibiyay goobo ganacsi oo aan ku lahaa magaaladda Cape Town, si aan u aado magaaladda Johannesburg, deetana aan ula aqal-gallo gabadhii aan ifka kasoo xushay ee suleeqo, sidii ayaan yeelay balse maxaa dhacay?
Alle wuxuu qadaray in suleeqo oo nabad qabta ay soo gaarto dalka Koonfur Afrika, waxaana suleeqo ku sugaayay goobaha ay gawaarida kusoo xirtaan (Boosteejo), markaan arkay aragtidii suleeqo ayaan ku farxay, waxaana iga soo fuqday Neef weyn, hase ahaatee isla goobtii Boosteejada ahayd ayaa waxaa suleeqo ku sugaayay seddex gabdhood, oo aan dhihi karo waa shayaadiin.
suleeqo ayaa gees iskula soo baxnay markaan wada hadleenay muddo dhan shan daqiiqo ayaa waxay aragtay gabdhihii oo u gacan haatinaaya, waxayna ay igu tiri, shan daqiiqo i sug gabdhahaasi ayaan aqaanaa oo aan soo salaamaayaa, 10 daqiiqo ku dhawaad ayay iga maqneed, deetana waxay igu tiri, waxaan kaa qabaa shaki oo armaadan ahayn maxamed saciid, intaan carooday ayaa waxaan ku iri, haa waxaan ahay maxamed saciid ee sifiican ii fiiri, waxay igu tiri, waan ka xumahay oo inta aan soo kala ogaanaayo iga war sug, anaa kusoo wici doonee.
Yaab iyo amakaag ayay igu noqotay, waxaan sameeyo ayaa garan waayay, xitaa haddii aan dagaalami lahaa, sharci kuma lihi dalka Koonfur Afrika, waxaana xal u arkay inaan iska fasaxo, waxa sidaan ii galeysa waa gabadhii aan xaruumahayga ganacsi daraadeed u soo iibiyay, isla-markaana xitaa maysan iga mahad-celin, wax kale iska dhaafee.
Hada waxaan ooggaa dukaamo ku yaalla magaaladda Johannesburg oo ay lee-yihiin wiilal aanu qaraabo nahay, meel aan u raadiyana garan maayo suleeqo, waayo dalkaan waa dal aad u balaaran, kaaga daranee xitaa ma-xasuusto sida uu u yaallo muuqaalka seddexdii shayaadiin ee gabadha iga watay, magac-yadooda iyo teleefanadooda iskaba daayee.
Ugu dambeen markaan waayay suleeqo ayaa waxaan bilaabay in aan hal-hees ka dhigto Ileen Dumarku Qaar Waa Bahalo.
Waxa Qoray Nuur Ismail Sheikh
Tell +254720408613
Nairobi Kenya
Allbanaadir.com
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com