Aktarada
quruxda la sii duqoobeysa ee Rani Mukherjee ayaa shaaca ka qaaday in
bilaawgii wada shaqeynteedii aktar kale Amir Khan in ay awoodi weysay
in ay indhihiisa eegto oo ay indhaha u dhameystirto aktarka gaar ahaan
xiliga ay wada sameynaayan action-da Romantic-ga ah .
” waxaan fiirin jiray kabihiisa maxaa yeelay hadaan eego indhihiisa waxaan ka baqi jiray in jaceyl uu igu dhaco .
Labada jilaa ayaa markii
ugu horeysay wada shaqeeyay 1998-dii xiligaas oo ay Rani ku cusbeed
halka Amir uu ahaa xidig uuna keenay xiligaas filimadii Qayamat Se
Qayamat Tak “Dil” iyo Jo jeeta Wohi Sikander.
Ka dib filimkoodii
“Ghulam” ayay haatan labada aktor mar kale shaashada si wada jir ah uga
soo muuqanayaan waxa ayna 14-sano ka dib isku arkeen filimka Talaash ,
iyadoo uu yahay kii sedexaad oo ay wada jilayaan .
Aktarada ayaa sii
raacisay” haatan indhaha aayan u dhameeyay si fog ayaan u eegay illaa
aan gaarsiyay heer uu i weydiiyo sababta aan sidaas ugu eegayo”.
Filimkaan ay haatan wada
wadaan ee Talaash ayaa si rasmi ah suuqa loogu soo fsaxaaya berito ,
iyadoo Rani ay haatan jirto 34- sano halka Amir Khan uu jiro 47-sano .
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
