Dadka Taajiriinta ah ee u dhashay dalka Australia ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay shaqo ka dhigteen in ay u guuraan dhulka lama degaanka ah ee loo yaqaan Keeymaha gaar ahaan Koonfurta dalka Australia .
-->
Dadkaan oo intiisa badan Shirkado iyo Warshado ganacsi ku leh magaalooyinka ugu waa weeyn dalka Australia ayaa hadane waxa ay u guureen goobo lama degaan ah oo aad Qurux badan kuwaas oo halkaas geeyay Qooysaskooda .
Taajiriintaan ayaa waxaa ku jiro kuwo shaqsi ahaan aanan jecleeyn dadka Ajanabiga ah ee ku soo qul qulaya dalka Australia waxeeyna go´aansadeen in loo shaqeeyo iyagana ay degaan ama ku soo raaxeeystaan Dhul cusub oo ay ka dhisteen Koonfurta dalka Australia .
Dab xag Alle ka yimid ayaa ka soo curtay goobihii ay degnaayeen Taajiriinta reer Australia wuxuuna Dabkaas dhulka dhigay Guryo fara badan iyo Keeymihii jiqda ahaa ee ka ag dhawaa Deegaanada ay dhisteen Maalqabeenada reer Australia .
Qaar ka tirsan Taajiriintaan ayaa qabo in Dabka ku kacay uusan aheeyn mid xag Alle ka yimid balse uu yahay Dab si ula kac ah loogu shiday dhirta Jiqda ama Keeymaha ah ee u dhaw halka ay degnaayeen .
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com