Tarsan oo Warqad Dawaco Ah Kaqoray Idaacada Shabelle Una Gudbiyaya Xeerilaaliyaha Qarnka -Warqdii oo Lahelay Maxaa Kuqoran Aqri Bal

Tuesday, November 20, 20120 comments

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dacwad ka dhan ah Idaacada Shabelle u gudbiyay xeer ilaalinta guud ee Qaranka, isagoo uga ashtakooyinaya aflagaado, ceebeyn iyo iska hor keenid inay ku wadaan madaxda qaranka.

Mr Tarsan ayaa qoraal uu u gudbiyay xeer Ilaalinta qaranka ayaa sheegay in Idaacada ay caadeysatay inay ka been abuurto, isla markaana ay ku kacdo falal qatar ku ah ifafaalaha nabadeed ee ka jira Caasimada Muqdisho.

Gudoomiye Tarsan ayaa ka codsaday Xeer Ilaalinta inay sharciga horkeenaan Maamulka Idaacada, lagana qaado tallaabo sharciga ee uu qaranka Soomaaliyed u yaalo ficilada ay ku kaceen.

Idaacada Shabelle ayaana noqotay in dhoorkii bilba mar ay diirada saarato Masuul katirsan Dowlada haba ugu darnaadee Duqa Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Dakada magaalada Muqdisho ay dhoor mar la galeen Dagaal dhanka afka ah .

Gudoomiye Tarsan ayaa ugu dambeyn go’aansaday in Shabelle uu ka dacweeyo Xeer ilalainta Qaranka isagoona u gudbiyay Xeer ilalainta Qaranka in ay wax ka qabato Dacaayadaha tira badan ay mar walba naftiisa ka abuurto iyo sidoo kale Wararka kale ee tabiso ee wax u dhimaya Amaanka iyo Hor marka Dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarsan ayaa ah nin Bulshada Reer Muqdisho aad u ixtiraamana kuan xushmeeyaan wax qabadkiisa iyo daacadnimadiisa taa oo keentay in Tarsan Muqdisho taageero badan ku yeesho aadna looga jeclaado.

Aqriso Warqada Dacwada uu Gudoomiyaha u gudbiyay Xeer ilaalinta


 











Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog