Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II oo Muqdisho ku soo gaba gabeeyay Siminaar socday muddo labo maalmood + Sawiro

Friday, November 23, 20120 comments


Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II ayaa maanta Xaruntiisa Muqdisho ku soo gaba gabeeyay siminaar socday muddo labo maalmood, kaasoo looga hadlayay xalinta khilaafaadka iyo taaba gelinta nabada.

Siminaarkan oo ay ka qeyb galeen Ururada bulshada rayidka ee ka dhisan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshir oo ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Hoose ayaa hadal uu ka jeediyay gaba gabadii siminaarka ka hadlay muhiimada ay leedahay isku xirka bulshada sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi gelinta dhalinyarada.

“Waxaan mahad ballaaran u jeediyayaa Ururka SYL II oo runtii maanta qaaday tallaabo aad loogu baahan yahay, sidii ay u abuuri laheyd is fahan dhex mara dadka iyo dowladda”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshir.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka codsaday Ururka SYL II inay xafiis ka furtaan Gobolka Shabelle Hoose, isla markaana ay dhalinyarada u abuuraan xirfado shaqo, isagoo ku bogaadiyay inay dar-dar geliyaan howsha ay u hayaan bulshada.

Xildhibaanad Maryan Macalin Isaaq Maxamed ayaa hadalo guubaabo iyo dhiira gelin u jeediyay ururka SYL II, iyadoo cadeysay in siminaarada ceynkan oo kale uu muhiimad u yahay isku xirka bulshada iyo sidii dadka aqoontooda sare loogu qaadi lahaa.

Ururadii ka qeyb galay siminaarkan ayaa soo dhoweeyay, iyagoo cadeeyay in tababarkan uu abuurayo jawi cusub iyo wada shaqeyn dhex marta ururada bulshada ee Gobolka Shabellaha Hoose, isla markaana ay muhiim u tahay inay iskaashi muujiyaan, maadaama bulshada rayidka ay door weyn ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxaa Ururadan ay iska dhex magacaabeen gudi howled ka shaqeyn doona sidii ay isugu xirir lahaayeen bulshada qeybaeeda kala duwan, isla markaana ka qeyb qaata sidii ay isu fahmi lahaayeen dowladda iyo mujtamaca ku nool Gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyn gaba gabada tababarkan ayaa waxaa ka hadlaya C/llaahii Axmed oo ah masuul ka tirsan ururka SYLII isagoo kula dardaarmay ururada bulshada in ay muujiyaan dadaal dheeri ah iyo in ay kasoo dhalaalaan doorkooda si ay uga qeyb qaataan mideynta bulshada, wacyi galinta dhalinyarada iyo nabadeynta gobalka Shabeellaha Hoose.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee SYLII uu u qabto siminaar ceynkan oo kale ah qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ay u sii dheer tahay in SYL II ay xirfado iyo shaqo abuuris u sameeyaan dhalinyarada.























Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog