Maalintii u horeysay ayay dhaqan gashay xabad joojin ay ka soo shaqeysay dowladda Masar, kadib sideed maalmood oo uu dhiig badan ku daatay dagaalka u dhaxeeyay Israel iyo Ururka Xamas.
Kumanaan dadweyne ah ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka Gaza, iyagoo u dabaal degayay xabad joojinta la gaaray, waxay lulayeen calamado, iyagoo xabado cirka u ridayay.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ilaaliyaan heshiiska xabad joojinta ee la gaaray.
Raadiyo laga leeyahay Israel ayaa tabiyay in xalay dhowr gantaalo laga soo ganay Gaza, balse aanay jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen Israel.
Waxaa jira calaamado muujinaya in Israel dooneyso in xabad joojinta aysan noqon mid KMG ah, balse dadaalada ayaa waxay yihiin kuwo dhinacyo badan ka socda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo booqanaya gobolka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gar gaar la gaarsiiyo Gaza.
Ilaa 150-ruux oo Falastiin ah iyo shan israel ayaa ku dhintay dagaalada Gaza, iyadoo Israel ay isticmaashay diyaarado dagaal, Helicopter iyo maraakiib dagaal ay u adeegsaday duqeynta ay ku ekeysay Gaza.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com