Wariyihii Idaacada BBC-da ee magaalada Muqdisho oo la xiray

Thursday, November 22, 20120 comments


Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Wariyihii Idaacada BBC-da ee Magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan kadib markii ay ku eedeeyeen in Maxkmada Qalabka sida uu ka diyaariyay Warar qaldan

Mid kamid ah Wariyaasha ku dhaw dhaw sxbkana la ah Ibraahim ayaa sheegay in Xariga Wariyaha ay ka dambeeyaan Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo mudooyinkan dacwad ka dhan ah Ibraahin waday kuwaa oo ku eedeeyay tabinta magacyo aysan Maxakmaad Ciidanka dil ku fulin balse BBC-da laga sii daayay magacyadaa iyo Warbixino farxad galiyay Maxkmada.

Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sadax maalin kahor looga yeeray Maxkmada iyadoona xiligaasi ay la socdeen Wariyaal dhoor ah ,waxana la sheegay in xiligaasi gacmaha iyo lugaha laga xiray balse Wariyaasha ay ka codsadeen saraakiisha Maxkamada in aysan xirin oo damiin kusii daayaan uuna dib ugu soo laabanayo markii ay u baahdaan.

Ibraahin ayaana Maanta looga yeeray Maxkamada halkaas ayaan la sheegay in markii uu tagay lagu xiray hadana uu ku jiro Xabsiga dhaxe ee Magaalada Xamar uu xiligan ku xiran yahay.

Wariyaha ayaana la sheegay in hada uu kujiro Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho kadib markii ay cadaatay magacyada ay Baahisay BBC-da in ay yihiin kuwa aysan ku jirin liis magacyo ah ay Maxkamadu soo bandhigtay horeyna dil loogu fuliyay.

Ma jiro war cad oo kasoo baxay Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo sidoo kale Maamulka Idaacada BBC-da oo ku aadan xariga loo geestay Wariye Ibraahim Maxamed Aadan.











Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog