Ururka Alshabaab oo beeniyay in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay Nairobi

Wednesday, November 21, 20120 comments

Abu Muscab
Xarakada Alshabaab ayaa ka hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah.


Afhayeenka Alshabaab ee dhinacyada howlgalada ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi iyo dilkii loogu geystay magaalada Garisa ciidamo Kenyan ah.



Afhayeenka howlgalada Alshabaab Cabdicasis Abu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa ku tilmaamay weerarada iyo qaraxa ka dhacay Kenya ay ahaayeen qaar ay ka dambeeyeen dad taageersan Alshabaab balse aysan si toos ah ugu lug lahayn ururka Alshabaab. 



“Mujahidiinta xilligan wax lug ah kuma laha weerarada ka dhacay Islii iyo Garisa balse weeraradaas waxaa ka dambeeya dad taageersan Alshabaab oo diidan dhibaatada ay ku hayaan dadka Islaamka ah dowlada Kenya,”ayuu yiri Cabdicasis Abu Muscab.



Afhayeenka howlgalada ee ururka Alshabaab ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya inay dhibaato ku haysa dadka Muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalka Kenya. 



Weerarkii ka dhacay Garisa iyo qaraxii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa dhaliyay in ciidamo Kenyan ay dad badan ku dhibaateeyaan magaalada Garisa halkaa oo ay dad badan waxyeelo u geysteen, waxaana rabshadahaa ka dhashay in uu ku gubto suuqa ugu weyn ee magaalada Garisa.



Dalka Kenya ayaa waxaa ka soconaya dadaalo lagu doonaya in lagu joojiyo rabshadaha ka dhashay qaraxii ka dhacay Nairobi iyo weerarkii lagu qaaday ciidamada Booliska magaalada Garisa. 














Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog