Wel Welka iyo Nolosha Haweenka Xiriirka Ka Dhaxeeyo (Warbixin)!!!.

Friday, November 23, 20120 comments



Mushkiladaha walbahaarka ay ka dhashaan mashaakil dhinaca dhaqaalaha mushkiladahaas oo dad badan ay ku haftaan dumarkuna ugumasii jiraan gabar kasta waxay ku hamisaa nolol sare guur Ayatiin, raaxo iyo horumar dhinac kasta leh higsanaaya haddii hamigooda uu ka banjarana walaac ayaa ku abuurma taasoo keenta fakar u horseeda walbahaar iyo walaac joogta ah.

Fikirka badan ee welwelka horseeda waxaa looga bixi karaa qadarta rabi iyo inay haweenaydu ay ku kalsoonaato wixii ALLE u qoray ogaataan in welwelka faraha badan wuxuu qofku u keenaa hurdo la’aan iyo muuqaalkiisa oo qayirma.

Gaar ahaan haweenka wuxuu ku keenaa isbedel maskaxeed iyo mid jireedba haddaba haweenka oo ah kuwa ku dhex maashooda dhaldhalaalka nolosha Adduunyada ayaa iyagu arrimo badan ka walwalaya oo welwelka iyo walbahaarka badana dumarka ku dhaca uu keeno hurdo la’aan iyo isla hadal waxaa la ogaaday inta badan wax ALLE u qorin in aysan helaynin sida aawadeed ay kalsooni iyo qanacsanaan nafsadeed ku abuurto welwelka badiyaa ku dhaca.

Dumarka waxaa daawo u ah nasashada badan iyo nashada qofka uu la wadaago dadka uu la nool yahay labiska iyo nadaafada jireed taasoo mar walba farxaanimo ka dhigi karta dumarka sidoo kale bad badalka lagu sameeyo alaabta guriga iyo qaabka ay u taalo oo si kale loo dhigo waxay niyad dhis u tahay dumarka sidoo kale goobta ay ka shaqeyso oo ay mar walba qurxiso.

Ducada iyo ALLE ka cabsiga ayaa shaki ku jirin in ay yihiin shayga ugu muhiimsan ee dawo u noqon kara welwelka iyo hurdo la’aanta waxayna nafta u soo jiidataa ducadu daganaasho.

Xasilooni iyo dajin neerfayaasha marka waa inuu qof kasta qalbigiisa uu u furaa ALLE ducaystaana ALLE-na baryaan waa hubaal in markaas qofkaas u helayo hurdo welwel la’aan ah waxayna taasi meesha ka saaraysaa wax kasta oo uu ka welwelaayay.

Xusuusnow mar walba in ay hurdo la’aantu iyo welwelka keenaa cuduro badan waxaase ka adag ayadoo ALLE u dhawaada kuna xirnaada.













Xasan Maxamed 
Xafiiska Newbanaadir 
Oslo - Norway 
xasanyare09@live.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog