Daawo Sawirada "Aqoon kororsi lagu baranayay naasnuujinta caruurta waxtarkeeda oo muqdisho lagu qabtay "

Friday, November 23, 20120 comments


Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Siminaar loogu tala galay sara u qaadidda aqoonta haweenka Soomaaliyeed ay u leeyihiin waxtarka naasnuujinta caruurta.

Tababarkaan oo ay soo qaban qaabiyeen midawga kalkaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa intii uu socday lagu soo bandhigay waxyaabaha muhiimka ah ee cunugga yarka ahi uu seegayo hadii laga gooyo naaska inta uu yaryahay, iyo marka uu cunuggu waqtiga muhiimka ah ee loogu tala galay lagu gaarsiiyo nuugmada faa’iidada uu helayo.

Cali Aadan Maxamed oo ah gudoomiyaha midawga kalkaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa kahadlay tababarka, waxa uuna shaca kaqaaday in haweenku in ay naaska nuujiyaan ay tahay mid muhiim ah caruurtana kana ilaalin karta nafaqa darro iyo cudurra badan oo ay difaac naas nuujintu u tahay, waxaa sidoo kale uu sheegay in cunugga dhameestirta waqtiga naasnuujinta in uu noqonayo mid maskax nadiif ah lasoo baxaya kana bad baaday cudur oo dhan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha midawga kalkaaliyaasha Soomaaliyeed in aysan jirin cid ka gacan siisay Siminaarkaan oo ay kafaa iideesteen haween Soomaaliyeed oo aad u badan kuwaas oo sheegay in iyaguna uga faa iideyn doonaan haweenka kale ee aan helin fursadaan ay iyagu heleen.


















Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog