Ciyaaryahannadii kubadda Koleyga xulka
qaranka iyo kooxdii Jeenyo Xaawo sheekh Xaawo Taako ayaa maanta dalka
dib ugu soo laabatay kaddib in ka badan 20 sano oo ay Dalka dibadda uga
maqneed.
Gabdhihii kubadda Koleyga ee qaranka
dalka iyo naadiyada kala duwan, oo ay hoggaamineysey Marwo Khadiijo
Daahir oo ah Guddoomiye ku xigeenka xirirka ciyaaraha Fudud ayaa si
diiran garoonka Aadan Cadde ugu soo dhoweeyey Xaawo Taako iyagoo
muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in mar kale ay dib u arkaan Xaawo
Taako oo dalka muddo ka maqneed.
Khadiijo Daahir, Geediyo Ali, Abshiro,
Faadumo Aweys, Caasho Taraafiko, Caasho dheer iyo Mulki Nuur Muudey ayaa
dhammaantood ka shekeeyey malmihii wanaagsanaa ee Xaawo Taako iyo
xiddigo kale oo ay iskula ciyaari jireen garoomada dalka, waxaana ay
xuseen inay si weyn ugu faraxsan yihiin in halyeeyada kusoo dhoweeyaan
Muqdisho Caasimadda dalka.
Xaawo Taako oo halkaa ka hadashey ayaa
sheegtay in maanta ay taariikh wanaagsan u tahay in mar kale ay dalkeeda
dib ugu soo laabato oo ay aragto saaxiibadeedii Kubadda Koleyga ee beri
samaadkii.
“Ma garan karo sida dareenkeygu yahay
waxaan ku hadlo ayaan aqoonin farxad darteed, garoonkan waxaan ka tegey
isagoo sidan ka fiican, waxaana diyaar u ahay in dalka wixii aan awoodo u
qabto” ayey tiri iyadoo dareenkeedu isbedeley.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com