Aniga oo isku diyaariyay galbiska arooskeyga ayuu I furay "Qiso Dhab Ah oo Xanuun Badan"

Sunday, December 9, 20120 comments


Farxiya C/llahi waxa ay kamid tahay Dumarka kunool Xaafadda Bakaaraha waxa ay ku aqal gashay isla xaafada Suuqa bakaaraha taariikhda marka ay ahayd 23/10/2012,
Farxiya C/llahi oo la hadleysay warbaahinta ayaa sheegtay in ninkeeda uu furay xili ay ku guda jirtay isu diyaarinta galbiska arooskeda waxaana qeyb kamid ah Gurigeeda ka socday alalaaska iyo mashxarada arooskeda
Farxiya C/llahi waxaa ay sheegtay inaysan garaneynin sababihii kadanbeysay in la furo iyada oo u diyaar garoobeyso galbiska arooskeeda balse waxa ay aaminsantahay Farxiya oo degan Bakaaraha in ninkeeda lagu diray, islamarkaana ay kusoo direen ehelka ninka dhalay hayeeshe waxa uu furay xili ay soctay farxada arooska
Farxiya waxa ay xaqiijisay in arooska uu ku bilowday farxad iyo Mashxarad balse gabagabadiisa ay noqotay mid muruga leh
Ugu danbeyntii Farxiya C/llahi waxa ay sheegtay inaysan ku deg degi doonin guur aan laga fiirsan waxa ayna meesha ka saartay in ragu ay yihiin kuwa aan la’aamini karin sida ay hadalka u dhigtay.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog