Cawaale Aadan oo ka carooday hees uu qaado Dalmar Yare. tolow heestaas maxey tahay?

Wednesday, December 19, 20120 comments


Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan oo ku nool dalka Canada ayaa ka carooday hees uu qaado fannaanka kale ee Dalmar Yare, kadib markii dhalinyaro fadhisay meel marfash ah oo lagu marqaamo ay shideen mid ka mid ah heesaha uu qaado Dalmar Yare.

Cawaale Aadan ayaa si caro leh ugu codsaday dhalinyaradii ay isla fadhiyeen ee shiday heesta Dalmar Yare inay ka damiyaan, isagoo yiri "Waxaani fannaan iyo heesba ma ahan ee naga baqtiiya".

Dhalinyaradii heesta shiday ee fadhisay majliska (Marfash) ayaa ka jawaabay hadalka Cawaale, waxayna u sheegeen in uusan ku qasbaneyn dhageysiga heesta Dalmar Yare, isla markaana aysan jirin cid xaqiri karto fannaanimada Dalmar Yare.

Cawaale ayaa goobta ka istaagay, isagoo aan macsalaameyn dhalinyaradii kale ee marfashka fadhisay ayuu ka huleelay, halkaasi oo qosol iyo jeesjees ay ka raacday Fannaan Cawaale Aadan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog