Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka bar bar dagaalameysa Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan qoysaskooda, si mustaqbalkooda aanay mugdi u gelin.
Hadal uu shalay Wasiirka ka jeediyay howl gal ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku tageen deegaanka Saqiiro oo la sheegay in weerarada looga soo qaadayay Muqdisho ayaa ku tilmaamay inuu ahaa howl gal aad muhiim ahaa, lagana gaaray guul, isagoo bogaadiyay sida ciidamada uga soo baxeen.
"Meeshaan waa Saqiiro meel la yiraahdo waxaa ku yaalo ceel, waxay ka mid aheyd meelo laga soo abaabuli jiray dagaalada dhuumaaleysiga ee Muqdisho iyo dacaladeeda had iyo jeer laga soo qaadi jiray"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada nabadsugida iyo ciidamada xooga dalka ay xog ku heleen in deegaankaas ka mid aheyd meelaha ubucda ah ee ay weerarada ka soo abaabuli jireen Al-Shabaab, isagoo xusay in dowladda ay go'aan rasmi ku gaartay in howl gal lagu qaado.
"Markii ciidamada nabadsugida xogog ka keeneen, meelaha ubucda ah ee laga soo abaabulo ayay dowladda go'aan ku gaartay halkan in laga sameeyo howl galo joogto, si loo dhicisiiyo loona fashiliyo abaabulka naf la caariga ay isku soo uruursanayaan maleeshiyada Shabaab"ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Wasiirka Amniga ayaa faray Ciidamada inay xilli kasta iyo saacad kasta howl galo ku qaadaan goobaha laga soo abaabulo weerarada, si ay u baacsadaan una daba galaan meelaha loogu sheego Al-Shabaab, si ammaanka loo adkeeyo, isla markaana muwaadinka Soomaaliyed uu si nabad ah ku soo tooso, sida uu yiri.
Mr Guuleed ayaa waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada u bar bar dagaalanta Shabaab in aanay mustaqbalkooda mugdi gelin, dibna uga mid noqdaan mujtamacooda, isagoo u cadeeyay inay heystaan fursad boqol maalmood oo cafis ah.
"Wiilasha dhalinyarada Soomaaliyed ee in badan la qaldayfasiraad diin qaldan lagu marin habaabiyay waxa aleenahay dadkiina dhinac ka soo raaca, mustaqbalkiina bad baadiya, waxyaabaha calool xumada waxaa ka mid ah in dhalinyarada intooda badan ay ku jiraan waqtigii waxbarashada, qaar ka mid ah jaamacadahooda ayay meel dhexe uga soo tageen qaar dugsi sare ayay meel dhexe ugu soo tageen, sidaas darteed waxaa ugu baaqeynaa inay ka soo laabtaan.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ugu baaqay inay soo dhoweeyaan ciidamada cid kasta oo si nabad ah isku soo dhiibta, isla markaana aan wax loo raacan doonin, isagoo ciidamada dowladda u sheegay inay diyaar u yihiin in mar walba taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, waxaana uu amray in Ciidamada labada maalmood ee soo socota loo qalo xoolo isugu jira Geella iyo Lo'da.
Xigashi jowhar
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com