Heesta Gangnam Style Oo Dad Gaadhaya 1 Bilyan Ay Ka Daawadeen Youtube (Daawo Video-ga Heesta)

Wednesday, December 26, 20120 comments



Fanaanka u dhashay Koonfurta Korea ee layidhaa PSY ayaa 15kii July ee sanadkan waxa uu soo saaray hees muuqaal ah oo uu ku luqeynaayo afkiisa hooyo isaga oo u sameystay ciyaar aan aduunka hore looga arag, heestan ayuu ugu magac daray Gangnam oo ah magaca degmo ka mid ah degmooyinka caasimada Kuuriyada Koonfureed ee Seoul. Gangnam Style ayaa waxay kaalinta koowaad ka gashay heesaha laga daalacdo barta Internetka ee YouTube, 21 December ee sanadkan ayaa Youtube waxa ay ku dhawaaqeen in Gangnam Style ay noqotay heesta iyo video-ga kaliya ee ugu daawashada badan.

isaga noqday kii noociisa ee abid la arko iyada oo in ka yar lix bilood ay daawatay in ka badan 1 Bilyan oo ruux. Heestan ayaa waxa maalintii daawato malaayiin qof waxayna adduunka badankiisa ka noqotay heesta loogu daawasho badan yahay, sidoo kale heesagaan iyo heestiisa waxay ku guuleysteen shan abaal marinood oo ay ka mid yihiin MTV Music Award iyo American Music Award. Waxa sidoo kale heestan oo ciyaar aad u wanaagsan leh ku ciyaaraya maalmahan dadka aduunka aadka loogo yaqaan waxa ka mid ah dadka cayaaray Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Raiisul Wasaaraha Britain David Cameroon, waxana kolba bilaabatay fanaaniinta qaar in ay sameeyaan heestan nooc kale ah.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog