Daawo Gabar Soomaaliyeed oo si dirqi ah kaga baxsatey kufsi uu u geesan rabay nin Giriig ah(Daawo Muuqaal ahaan)

Saturday, December 29, 20120 comments

Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Giriiga ayaa waxaa la sheegay inay si dirqi ah ay kaga baxsatey oo ay kaga badbaaday in la kufsado ka dib markii nin Giriig ah oo ay u shaqeyneysay uu isku dayey inuu kufsado oo uu faro xumeeyo gabadhaas Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Gabadhaan oo magaceeda lagu soo koobey Sabrin oo 15 sano jir ah oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Giriiga gaar ahaana magaalada Athens ee caasimada dalkaas Giriiga ayaa waxay sheegtey in goor habeen ah oo ay dadkiina ku yaraadeen goob ay ka shaqeyneysay inuu mar qura uu ku soo booday oo uuna isku dayey inuu kufsado nin u dhashay dalkaas Giriiga oo ay u shaqeyneysay laakiinse ay iska difaacday, Gabadhaan ayaa sheegtey inuu ninkaas markey ay shaqada weydiisatey uu asaga dhigey nin wanaagsan oo caawinaayo laakiinse markey u shaqeyneysay ninkaas mudo ilaa todobaad ah uu isku dayey inuu xoog ku isticmaalo laakiinse ay iska qabatey islamarkaana ay goobtii isaga baxsatey ayadoona uusan ninkaas waxba u geysan gabadhaas yar ee shaqo doonka ahayd islamarkaana uu ninkaasi ku fashilmay isku deygiisaa ahaa inuu xoogo gabadhaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaasi yar uu ilaahey ka badbaadiyey falkaas waxashnimada ah ee uu la damacsanaa ninkaas Giriiga ah ayaa waxay tani ka mid tahay waxyaabo badan oo ka dhaco wadamada ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaaliyeed oo mar walba lagula kaco arimo kuwaas oo kale ah iyo kuwo ka daran, dalka Giriiga oo ay Soomaali badan ku nool yihiin oo ayna ku dhibaateysan yihiin gaar ahaan qolooyin cunsuriyayaal ah oo beegsada aajanbiyiinta, ayaa waxaa la yaab leh in dal sida Giriiga oo kale ah oo ka mid ah wadamada ugu faqrisan uguna liita dalalka reer Yurub islamarkaana ku nool deeqaha iyo deymaha bilaayiinta doolar ah ee ay siiyaan wadamada midowga reer Yurub inuu sidaas ula dhaqmo dad qaxooti ah oo u soo magan galay wadankiisa.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog