Soomaalida ku nool Qurbaha gaar ahaan dalalka Soomaaliya dariska la ah ayaa mar kasta siyaabo kala duwan iskugu dila dalalkii ay ku soo qaxeen kuwaas oo mararka qaar isku dacweeya Booliiska dalka ay nolasha iyo Nabad galyada ka soo raadsadeen.
Suuqa weeyn ee Islii oo ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ka dhacday arin argagax leh oo uu ka xumaado qof kasta oo Damiir Soomaalinimo leh.
Dhalinyaro lagu soo qabtay xatooyo ayaa waxaa loo garaacay si xuquuqda Beniaadanimada ka baxsan waxaana sidaas u galay oo dhinac kasta ka garaacay Soomaali kale oo ku heeysatay in ay wax ka xadeen waxaana xiligaas si Live ah u daawanayay Keenyaanti fara badan .
Qof baahan ama Dhalinyaro wareersan wax weey xadi karaan balse kiiskaan ayaa ku wanaagsanaan lahaa in eheladii ragaan gacanta loo galiyo si loola xaajoodo ama ugu yaraan Ciidamada Booliiska maadaama Soomaalida is silcineeysa ay joogaan wadan aanan dalkooda aheeyn.
Dhalinyaradaan oo si xun loo dilay waxaa laga yaabaa in wixii ay soo xadeen ama doonayeen in ay xadaan ay aheeyd wax aad u qiimo yar inkastoo Tooreey aysan wadan lagu qasbayay in ay soo saaraan waxaana Dhalintaan korkooda meel kasta laga keenay Dhiig.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
