Maalqabeen Ka dhashay boqortooyada sacuudi Arabiya ayaa Gabar fanaanad ah oo uu aad u jecelyahay waxa uu ku balansaday mid kamid ah Hoygiisa tumashada kula caweeyay gabar aad u cod macaan isla markaana qurux badan isagoo abaal marin uga dhigay "One Million Dollar " (1,000,000 $ ) hal habeen oo qura iyadoo heeso amaan ah oo isaga ay ku amaaneyso ay goobta ka qaadaysay.
Maalqabeenkan ayaa la arkayay isagoo lacagta ay ka dhamaanayso isla markaana uu Lacag Kale dalbanayo sidoo kale korkeeda uu ku daadinayo lacag Dollar ah oo aad u fara badan.
Si kastaba ha ahaatee dunida islaamka ayaa waqtiyadii danbe waxaa ka jiray faqri baahsan oo in badan oo ka mid ah muslimiinta caalamka ay u qaxayeen wadamada horu maray si ay nolashadooda badal uga helaan halka wadamada islaamka ah ee intooda badan boqortooyooyinka ahna ay lacagaha isku firjinayaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com