Daawo Sawirada "Ciidamada Booliska Oo Habeenkii Wadooyinka Ka Sameeya Baaritaano Iyo Isbedel Ganacsi Oo Muqdisho Ka Jira"

Thursday, December 13, 20120 comments



Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa xiliga habeenkii ah ka sameeya wadooyinka magaalada Muqdisho howlgallo baaritaanno ah kuwaasi oo looga golleeyahay in lagu adkeeyo nabadda ay hada heystaan dadka reer Muqdisho.

Inkastoo nabadda hada ka jirta Caasimadda Dalka ee Muqdisho aysan ku imaan si fudud oo ay geesiyaal badan naftooda u hureen hadana howlgallada baaritaannada ah ee xiliga habeenkii ah ay Ciidammada Booliiska ka sameeyaan magaalada Muqdisho waxa ay yihiin kuwo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka la socda.

Ciidammada Booliiska waxey wadooyinka ka sameysteen barro ay ugu talagaleen iney gaadiidka ku baaraan iyo dadka rakaabka ah ee saaran waayo tan iyo intii ay isbedellada nabadeed ka bilowdeen Muqdisho gaadiidka dadweynaha waxey yihiin kuwo shaqeeya habeenkii saacaddo badan waxaana barahaasi ay Ciidammadu gaadiidka iyo rakaabkaba ku baarayaan ay yihiin kuwo qiyaas ahaan isku muuqda.

Sawirrada ama muuqaallada hoose waxaad ka arki doontaan sida ay Ciidammada Booliisku uga shaqeeyaan barahaasi ayadoo ciidammadu ay baaritaannada sameynayaan marka dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo waxaana sidoo kale la hubinayaa gaadiidka yar yar ee kuwa raaxada ah.

Saraakiisha Ciidammada Booliiska ayaa u sheegay Warbaahinta in baaritaannadan looga golleeyahay sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda islamarkaana intii la bilaabay baaritaannada noocan ah uu isbedel ku yimid amniga magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Isbedel hormarineed oo dhanka ganacsiga ah ayaa laga dareemayaa xiliga Habeenkii ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayadoo isbedelkaasi ganacsina uu ka mid yahay waxyaabaha muujinaya sida ay nolosha magaaladu usoo kabaneyso.

Inta badan goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho ayaa badankood xiliga habeenkii ah furan ayadoo dadkuna ay si caadi ah uga dukaameysanayaan ama uga adeeganayaan.

Goobaha ugu badan waxaa ka mid ah goobaha iibiyo cabitaannada fudud sida Jallaatada, mac macaanka,Carwooyinka,farmashiyeyaasha iyo kuwo kale oo badan kuwaasi oo marka aad gaarto aad ku arkeyso dadyow si nabad ah ugu caweynaya.

Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah oo la hadlay iyana Warbaahinta ayaa sheegay in goobaha ganacsi ay intooda badan dadku si weyn uga dukaameystaan habeenkii saacaddo badan oo ka mid ah taasina ay timid markii magaalladu ay ka dhasheen isbedellada nabadeed.

“ganacsigeenna mudooyinkan xiliga habeenkii waxba kama duwana kan maalintii oo goobaheenna ganacsi inta badan habeenkii wey furanyihiin dadkuna si caadi ah ayey waxey nooga iibsadaan ilaa habeen barkii laga gaaro, Alle mahadii wax dhib ahna ma aragno” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta.

Nolosha magaalada Muqdisho waxey aheyd mid si tartiib tartiib ah ugusoo laabaneysay si caadi ah wixii ka dambeeyey 06-August xiligaasi oo ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Caasimadda ka xoreeyeen Al-Shabaab.






























































Photo By:- Canab Maxamed Barkhadle









Xigasho radiomuqdisho

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog