![]() |
Ka bixitaankii ay ka baxeen magaalada Muqdisho Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa magaalada ku soo badanaayo dhalinyaro ku hubeysay bistoolado oo habeenkii Dadka Shacabka ah baarta ama dhac u geesta, Inta ay xarakada Al-Shabaab ay gacanta ku heysay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Magaalada laga waayay waxa loogu yeero tuug.
Gabar magaceeda ku sheegtay farxiyo oo dagan Xaafada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ayaa Shabakada newbanaadir waxa ay u sheegtay in dhacdo markii ay ku soo dhacdo ay isla yaabto oo fajac ku noqoto waxa ayna tiri Farxiyo :
"Habeen aniga oo ka soo laabtay Suukha bakaaraha una soo socdo xaafadeyda ayaa waxaa jidka iigalay tuugo waxa ayna ka koobnayeen Labo wiil waxa ay ii galeen meel mugdi iska ah, markii aan u soo dhawaaday ayay waxa ay igu dhaheen istaag waan istaagay midbaa bistoolad igu qabtay midkii kale waa i baaryay wax ay iga qateen alaabtii aan watay iyo Mobaayl keygii" ayay tiri farxiya.
Farxiyo ayaa shabakada gubtanews waxa ay u sheegtay waxa dhaca u geystay Farxiyo in oo ka mid ahaay wiil ay ahayeen saxiibo is jeceyl, waxa ayna tiri Farxiyo
"Waxa aan ku aqoon saday wiilka aan saxibada nahay waxa ay tahay habeenkii lii dhacay habeenkii ku xigtay ayoo ii yimid waxa oo igu dhahay caawa waxaan ku wadaa hadiyad qaali ah oo liiga soo dhiibay Dubai waxa ii soo dhiibtay gabar walashey ah ee qabso waana Mobaayl, waan ka qaatay Mobaaylkii, Haasaawo ama shukaansi dheer kabacdi wiilkii waa iga tagyay, aniga oo iska faraxsan oo aan isleeyahay ilaah waa ku jecel yahay xalay ayay aheed markii Mobaayl lagaa dhacay Caawa asoo ka fiican ayaad heysataa way ku dhacatay aan is dhahay, kabacdi xaafada aan tagay waxaan is dhahay fiiri bal Mobaaylka oo saxiibkaa kuu keenay, markii aan fiirshay Mobaaylka oo saxiibkay i siiyay waaba Mobaylkii liiga dhacay, manaaba yaabin" ayay tiri Farxiyo.
Farxiyo ayaa hadalkeeda sii raacsiisay in ay xaafada ka maqli jirtay in wiilka ay saxiibka yihiin looga shakisanaay in oo habeenkii dadka baarto.
dhacdadaan ayaa ah dhacdo qosol badan taas oo ku tuseesaa in tuugada xataa ay jecel yihiin lamanahooda ayna rabaan in ay siyaan hadiyad meeshii ay rabaan haba ka kenaane.
W/Q :- Farxiya Cali
Xigasho gubtanews
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
