Daawo Sawirada "Macalim Dugsi Quraan dhigaya hadana qorigiisa AK47 uu garabka ugu jiro dhacdo layaableh" (Layaab)

Friday, December 21, 20120 comments


Markii ay dalka kusoo badatay dhibaatada lagu khaarijinayo dadka bulshada wax galka u ah ayaa cid waliba waxa ay bilaawday in ay isticmaasho qidad waliba oo ay nafteeda kudifaaci karto.

Maclim Xoosh Cali Maxamed waxa u dugsi qur’aan ku dhigaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galguduud, waxa uu kasoo jeeda Culimaa udiinka Ahlusunna Waljameec, waxa uu bilaabay sida uu sheegay in uu is ilaaliyo kagadaal markii rag badan oo asaxaabtiisa ah gaadma lagu dilay.

Waxa uu her iyo habeen wataa qoraga sida uu xaqiijiyay isaga oo iska ilaalinaya cid kasta oo naftiisa soo haweysata, isaga oo si gaar ah u tilmaamay Al-shabaab oo dagaal uu kala dhexeeyo Culimaa Udiinka Ahlusuuna.

Arintaan ayaa waxa ay muujineysaa in qaadashada hubka uu gaaray halkii ugu sareeyay dalka Soomaaliya maadaama Culimadii dugsi quraanka kahowl galayay ay garbaha ku wataan iyaga oo naftooda ku ilaalinaya.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog