Daawo Sawirada "Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalacsiiyay Saraakiishii u horeysay"

Friday, December 21, 20120 comments


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xooga dalka, kuwaasoo muddo sanad tababar ku soo qaatay dalka Uganda.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Gen. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga.

Saraakishan dalacday ayaa waxeey tababar heer sare ah ku soo qaateen dalka Uganda, iyadoo wasaarada gaashaandhiga ay soio jeedisay in la dalacsiiyo, si ay uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wasaiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in dhalinyaradan saraakiisha ah ay yihiin kuwo karti u leh hogaaminta ciidamada, isla markaana isku xir u noqon kara ciidamada iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dar daarmay saraakiisha ciidamada inay waajibaadkooda ka soo baxaan, isla markaana umada Soomaaliyed ay karaamadeeda dib u soo celiyaan

"Ummaddaan haybadeeda iyo sharafteeda in aad usoo celisaan ayaa la’idinka doonayaa, gabadha Soomaalida ah ee xeradda qaxootiga ku jirta oo Soomaaliya garaneyn ee laakin xerada qaxooti ugu jirto, madaama ay Soomaali tahay ayaa la’idinka sugayaa in aad dalkeeda dib ugu soo celisaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiishan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay muddo 22-sano ah oo la dalacsiiyo, iyadoo dowladda aan KMG aheyn, iyadoo sarkaal walba la dalacsiiyay min Hal Xidig.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog