Madaxweynaha Dowlada Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kula kulmay R/wasaaraha dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istambuul ayaa la kulmay R/wasaaraha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan, iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan xoojintya xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Gaashandhigga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynuha ku wehliya socdaalka uu ku marayo dalka Turkiga ayaa Radio sheegay in Madaxweynaha oo la kulmay R/wasaaraha dalka Turkiga islamarkaana ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wadahadleen oo ku saabsanaa ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ayaa magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweynaha dalka Turkiga iyagoo halkaasi ku kala saxiixday heshiis taarikhi ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com



