Dhacdadaan oo ka dhacday Magaalada Ottawa ee Dalka Canada oo ay soomaali fara badan ku noolyihiin baa noqotay hadal heynta ugu badan ee Magaaladaas.
Magaca aabaha oonan jecleeysan inaan baahino oo ku nool Waqooyiga Magaalada Ottawa ee dalka canada ayaa ku dhacday Dhacdo cajiib ah oo ka yaabisay Shacabka Soomaaliyeed.
Aabahan oo Soomaaliya kasoo tagay waqtiyadii Dagaalada Sokeeye mudo hada laga joogo 23 sano ayay is waayeen xaaskiisa oo waqtigaasi uur bilooyin ah uleh , dadaal badan aabaha oo galay xabsi ku yaala Dalka Mexico ayaa ku jiray ilaa 10 sano ugu danbeeyn markuu xuriyadiisa helay waxa uu yimid Dalka Canada uu ilaaya hada ku suganyahay.
Reerka dhalay aabahan oo ay ka samreen kuna tiriyeen geeri ayaa waxaa dhacday in maalin maalmaha kamid ahi is fahmeen gabadh ay kawada shaqeenayeen goob qura , xariir iyo wada sheekeysi dheer kadib waxaa soo dhawaatay guurkooda isagoo codsaday in la baro reerkeeda shaki ka yimid heebteeda awgeed.
Gabadha Hadii ay sifiican isugu sheegtay oo ay ku xirtay adeerkeed ahna Walaalkiis ayuu si toos ah ugu hor ilmeeyey gabadha isagoo si huleel ah xabadka ugalshay usheegeyna ineey tahay gabadhiisa.
Faah faahin badan kadib jadwalku wuxuu isku badalay farxad iyo kagacyl iyadoo ay lama filaan ku noqotay labada dhinacba balse Qisadaan maahan midii ugu horeesay oo ku dhacda dhal is dhalay .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
