Daawo Sawirada "Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo casho sharaf jabuuti loogu sameyey"

Monday, December 17, 20120 comments


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud oo  galabta ka ambabaxay magaaladda Muqdisho ayaa  gaaray caasimadda dalka Jabuuti  iyadoona garoonka ku soo dhoweyeen  Madaxda Dowladda Jubuuti  ee uu ugu hooreeyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar  Geelle.

Kadib markii  Madaxweynaha garoonka lagu soo dhaweyey ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geelle, iyagoona ka wada  hadlay xaaladda  Soomaaliya iyo xiriirka  labada dalka ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay safarkiisa ku wehliyaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya, Xildhibaano, iyo Gudoomiyayaasha jamaacadaha  dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo galbiyey  Hotelka kempiski ee magaaladda Jabuuti, waxaana caawa halkaasu casho sharaf ugu sameyey Madaxweynaha  dalka Jabuuti.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa  maalinta berrita ah ka qayb geli doona sannad guuradii 40 aad ee ka soo wareegatay  markii ugu horeysay ee la qoro Afka Soomaaliga  ee uu ujeedda safarka  ahaa.











































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog