Waa adag tahay in la helo guri Soomaaliyeed oo ay taaban dhibaatada furiinka. Haduu qofka si toos ah aanu taaban, waxay taabatay qaraabadiisa, jiiraanka ama saaxiibkii. Waxaa kaloo ayaan daro ah in badanaaba kuwii is furay ay ka shalaayeen furiinkoodi oo ay cadaynayaan inay ku degdegeen oo aanay waqti siinin.
Waxaad arkaysaa in qofkii furiinka ku degdegay oo raadinaya Caalim qiil u helo sidii u soo ceshodo xaaskiisa. Dhibaatada ugu weyn oo jiraa waxay tahay, dhalinyarada soomaaliyeed oo badanaa aqal gala iyagoo cilimi u lahayn xilka, xuquuqda iyo waajabaadka saaran. Runtii, waxaan aad ugu baahanahay in dhalinyarada intayan aqal galin loo sameeyo barnaamijyo lagu barayo xilka iyo waajibaadka saaran si loo horumariyo xiriirka labada qof oo aqal galaya loona helo “Al Mawaddah”.
Hadaba tan micnaheeda ma aha in furiinkoo dhan uu xun yahay ama aysan banaanayn. Dabcan waa jiraa furiin lagu najaxay (uu dhibka aad u badnaa) oo labada kala tagtay iyo caruurtooda ku nasteen. Waxaa la diidayaa furiinka lagu degdegaayo ayadoo xal la heli karo, badanaana furiinka mujtamaceena kuwaasaa ugu badan. Hadaba hadii soo koobno furiinka mujtamaca waxay u saamaysaa sida soo socota:
Reerihii labada qofood ay ka dhasheen iyo asxaabtooda ayaa colooba gaar ahaan haduu furiinka uu ahaa mid aargoosi ah oo aan lagu dhameyn si nabad ku jirta. Tanina waxay usii kordhisaa xanuunka labada qofood is furay.
Caruurta qaarkii waxaa dhacda in isbedelka weyn reerkooda ku dhacay, ciilkii iyo calool xumada dartii in ay aadaabtooda is bedesho oo ay kacaan dambiyo kala duwan taasoo suura galinaysa in xabsiga loo taxaabo. Waxbarashada caruurta oo hoos u dhaca. Caruur badan oo rikoorkooda waxbarashada ahaa mid aad u sareeyaa furiinka ka hor ayaa markiiba hoos u dhaca murugada dartiisa. Waxaa kaloo jirta caruurta arkay furitaanka waalidiintooda waxay saameyn ku yeelanee mustaqbalka guurkooda dambe. Cilmi baaris lugu sameeyay caruur fara badan oo waalidiintooda kala tageen ayaan waxay tustay in dhibaatooyin ay kala kulmeen guurkooda uuna furiinkooda badnaa.
Aqri oo faham xilka iyo waajibaadka ku saaran. Inta aadan guursan ka hor waxaa haboon inaad ogaato mas’uuliyada ku saaran, markaad guursatidna wali aqriska iyo barashada waa furan tahay. Warbixin badan oo ku saabsan arimaha guurka ayaa jira sida muxaadarooyinka (YouTube), buugaag iyo Websiteyada oo aad ka helaysid maqaalo soomaaliyeed.
Ogow in mashaakilaadka guurka uu qof walbo taabto oo aan kaligaa ahayn. Xitaa nabigeena suubanaa ayay taabatay markii xaaskiisa uu ugu jeclaa Caa’isha lugu been abuurtay ilaa ilaahay qur’aankiisa kasoo dajiyo uu ku bari yeelay caa’isha. Waxaa muhim ah kaliya in aad si wanaagsan u wajahdo dhibka jira.
Waalidiinta: Fadlan markaad caruurtiina dhex joogtaan tusa oo ha arkaan ixtiraamka iyo kalgacaylka adiga iyo xaaskaga idinka dhexeeyo. Tani waa waxbarashada ugu fiican oo saamayn fiican ku yeelanayso caruurtaada markay weynaadaan oo ay guursadaan.
4. Labada qofood oo kala tagay: Runtii ma sahlana kasoo kabsashada amarka dhacay, qalbiga kheyr u sheega. Iska cafi ninkaada ama naagtaada hore iyo waxaa ka sii muhiimsan inaad qalbiga raacraacin oo aad adiga laftaada iyo dad kaleba eedin. Markaa xanaaqsan tahayna, ninkaaga ama naagtaada hore haku ceyin oo ha ku lacnadin caruurta hortooda oo saameyn xun ayay ku yeelataa caruurta.
1. Qabanqaabiya barnaamijyo lugu barayo dhalinyarada guursanaysa rag iyo dumarba xilka iyo waajibaadka saaran qof walba iyo siday u wada hadli lahaayeen haduu dhibaato soo foodsaaro. Si ayan ugu baahanba inuu dad kale soo dhex galo.
2. Sameeya koox khibrad u leh habka wax loo maslaxeeyo oo ka hawl gala maslaxaynta labada qof ee khilaaf dhexdooda jira. Iyo in la caawiyo labada kala tagay oo calafkoodi dhamaaday inta ay noloshooda caadi ugu soo noqonayso.
Ku dara Sanadka ugu dambeeya dugsiga sare Maadada diinta qeyb lugu barayo aadaabta guurka iyo waajibaadkiisa.
1. Mar walba ku dara barnaamijyo iyo maqaalo ka hadlaya guurka si shacabka aqoontooda loo kordhiyo. Ogowna barnaamijyadan oo kale baahi ayay shacabka u qabaan oo waxay badinaysaa akhristayaasha, dhagaystayaasha iyo daawadayaashiina. Ilaahayna ajar wuu idinka siinayaa.
2. Waxa haboon, In barnaamiyada iyo maqaalada uu ahaadaa mid miisaaman oo dhexdhexaad (Wasadhiya) raacayana akhlaaqda laga soo guuriyay Nabigeena suubanaa. Qof lagu daysadaa oo asaga ka fiican ma jiro AWC.
Walaalayaal, hadii aan qoray wax khalad ah la socda waxay ka timid nafsadayda daciifka ah iyo shaydaanka. Wixii sax ahna ilaahay xagii ayay ka timid asagaana mahad is ka leh.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
