Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho labo cisho uga bilaabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyati Air Port.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Kenya, iyadoo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay tii u horeysay tan iyo markii la doortay September.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah Ra'iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarah Sheekh C/qaadir iyo mas'uuliyiin.
Labada Madaxweyne ayaa kulan ku leh qasriga Madaxtooyada Nairobi, halkaasoo lagu wado in goor dhow ay saxaafada kula hadlaan.
Arrimaha ugu waa weyn ee labada Madaxweyne ka hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah howl galada ka socda Jubooyinka iyo doorka Ciidamada Kenya, iyadoo la isla soo qaadi doono arrinta maamul u sameynta Kismaayo oo muran badan uu ka jiro.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com









































