Arsenal Oo Qandaarsyo Cusub Ka Saxeexaysa Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoydeeda

Saturday, December 22, 20120 comments


Gool dhaliye Theo Walcott ayaa wadahadalo nabadeed la galay Arsene Wenger, iyada oo Arsenal ay ku dhowdahay in ay heshiis cusub ka saxeexdo ciyaaryahanka reer England.

Waa markii ugu horeysay tan iyo 28kii August markaas oo uu ciyaaryahanka reer England iska diiday heshiis shan sano ah oo uu ku qaadanayo todobaadkii 75 kun oo ginni, oo ay wadahadalo toos ahi dhexmaraan ciyaaryahanka iyo kooxda.

Daily Mail ayaa ogaatay in Arsenal ay ku dhowdahaya in ay heshiis la gaadho shan kale oo ka mid ah ciyaartoydooda da’da yar ugu danbeyn heshiisku dhaco Jimcaha.

Ilo ku dhow Walcott ayaa sheegaya in 23 jirkan uu doonayo in uu sii joogo Arsenal, si kastaba ha ahaatee waxa uu si cad u cadeeyay in aanu haatan dooneyn in uu qalinka ku duugo heshiis cusub. Isaga oo doonaya mushahar ku dhow 100 kun oo ginni todobaadkii, Walcott ayaa sidoo kale doonaya in loo xaqiijiyo doorkiisa kooxda. Ciyaaryahankii hore ee Southampton ayaa dareemay in si aan cadaalad aheyn uu u la dhaqmay Wenger bilowgii xilli ciyaareedkan, markaas oo uu Walcott kursiga keydka ku bilaabanayay. 

Waxana go’aankaas la ogyahay in uu dhiirogelin u ahaa muranka xaga qandaraaska la xidhiidha. Waxa intaas sii dheer, Walcott waxa uu sidoo kale doonayaa in loo xaqiijiyo in fursado badan loo siiyo in uu ka ciyaaro kaalinta gooldhaliyaha, halkaas oo uu ka ciyaaray kulankii Reading oo gool uu dhaliyay guushii 5-2 ee ay ka gaadheen. Inkasta oo ay u muuqato in xal degdeg ah aan laga gaadheynin qandaraaska ciyaaryahanka, hadana wadahadaladii u danbeeyay waxa ay talaabo hore u socod ah u yihiin in Walcott laga dhaadhiciyo in uu kooxda sii joogo. Waxa la rumeysan yahay in xal labada dhinac ka yimaada oo ah in la siiyo 85 kun oo gini todobaadkii in laga yaabo in ay ka dhaadhiciso ciyaaryahanka in uu saxeexo.

Heshiis cusub . dhanka kale waxa ay kooxdu heshiis la gaadhay Jack Wilshere, Kieran Gibbs, Alex Oxlade-Chamberlain, Aaron Ramsey iyo Carl Jenkinson, waxana lafilayaa in ay heshiisyadooda cusub qalinka ku duugaan dhamaadka todobaadkan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog