Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka sanadadan dambe sida weyn u sameeyay horumarka dhinacyada adeega bulshada iyada oo waliba ay magaaladu noqotay mid si weyn u fiday oo gaadhay meelo hore aanay dadku awal u degi jirin markii la waayay meelo ay dadku degaan taasina waxa ay magaalada u horseeday in uu magalaad ku yimaado korodh xad dhaafa.
Waxaana ganasigaasi u kala socdaa dhamaan dalka oo dhan waxana ka furan oo xarumo ku leh ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee adeega u qabta bulshada.
Magaalada Hargeysa waxa ka furan ku dhawaa 11 Jaamacadood oo ay dhigtaan arday tiro badan iyada oo sanad walbana ay ka qalin jebiyaan arday badani.
Magaalada Hargeysa waxa dhibta ugu badan ee ay dadku ka cowdaan ka mid ah xaga Biyaha oo aanay jirin biyo ku filan magaalada oo wada gaadha. taasina waa ta keentay in ay magaalada biyaha u dhaamiyaan Booyado. .
Qofka ay mudo hore ugu dambaysay Hargeysa waxa uu arkayaa markiiba oo ay indhahiisu qabanayaan waa dhismayaal dhaadheer oo cusub intooda badani kuwaasi oo ah Hotelo ay dadku degaan.
Hargeysa waxa ku yaala meelo laga raaco gawaadhida Basaska yar yar iyo waaweyn kuwaasi oo u kala baxa xaafada magaalada Hargeysa maadama ay adag tahay in ay dadku lug ku gaadhan, waxase maalmahan dambe ku soo biiray waa Tagaasi yar yar oo iyana lagu raacaayo qiimo jaban kuna gaynaaya meelaha aad u ubaahato, waxana keenay shirkado gaar ah sida Raaxo Taxi,Maroodi jeex Taxi iyo waliba Dalxiis Taxi kuwaasi oo aad arkayso iyaga oo kala leh calaamado kala duwan iyo midabo aanay dadku isku khaldayn.
Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee wax laga cabo ayaa ku badan magaalada iyada aad arkayso dhalinyaro badan oo koox koox u fadhiya meelahaasi sheekaduna ay si wacan isugu saaran tahay.waana astaamaha muujinaaya in ay magaalada ka jiro shaqo la`aan baahsani oo ay inta badan ka cowdaan dadka ku nool magaalada Hargeysa. waxana ay dhalinyarta ku kaliftaa in ay inta badan ka doodaan siyaasada aakhirkana keenta in ay tahriibaan.
Inkasta oo aynaan hal maqaal ku soo koobi karin muuqaalka guud ee magaalada Hargeysa hadana waxa aanu jeclaysanay in aanu intaasi ku koobno qaybta hore ee aanu kaga waramayno muuqaalka magaalada Hargeysa
Xigasho Radiomuqdisho
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com

























