Daawo Sawirada Muruqmaal sida warshad oo kale u soo saara alaabo wax tar u leh nolosha aadanaha

Tuesday, December 18, 20120 comments


Umadda Soomaalida ayaa waxa uu ilaah ku maneestay in ay leyihiin dadyow wax soo saar leh oo u madooda in badan oo kamid ah waxyaabihii ay ku manaafacaadi laheyd iyagu gacantooda ku sameyn kara inkasta oo hadana Soomaalidu ay liidayaan farsamayaqanada.


Xoogsatadaan oo ku sahqeynaya meel banaan kuna soo jiray Shaqadaan sida ay xaqiijiyeen muda 10-sano ku dahw ayaa waxa ay sheegeen in hadii ay heli lahaayeen mashiinna casri ah oo Tignolijiyada aduunyada ka jirta ay soo gaari laheyd ay horumar sameyn lahaayeen.

Waxa ay ka warameen sida shacabku uu ula dhaqmo oo aan aheyn wax wanaagsan maadaama loogu yeeero eraya aan wanaagsaneyn oo ay kamid tahay (Tumaal) halka dadyowga sidooda kale ah ee dunida kale kunool ay yihiin kuwa mansab kuleh umadooda dhexdeeda.

Mar Shabakadu weydiisay qaabka ay u sahqeeyaan iyo biraha ay ka sameeyaan Bir canjeerada halka ay ka keenaan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqen in ay koox yihiin nin kasta oo kamid ahna shaqada uu meel ku leeyahay, sida mid marka hore calaamadiya habka ay noqoneyso birta, mid jara, mid marka lajaro kadib xoogaa qurxiya iyo qaar u suuq geeya iyaga oo sidoo kale sheegay in biraha ay ka sameeyaan ay yihiin birihii ay katagtay dowladii dhexe ee dalka.

Si kastaba, dunida casriga ah ayaa raga sida muruq maalkaan Soomaaliyeed farsamada yaqaanna waxa ay yihiin kuwa mansab sare uga jira shucuubta ay ka soojeedaan,waxaana marag madoonta ah in diyaaradaha, gaadiidka dhulka iyo badda iyo dhamaan alaabaha bini aadaku adeegsao ay soo saaristooda qeyb ku leeyihiin rag ku xirfad ah kuwa innagu aan aadka u liidno bulshadana wax tarka u leh.




 












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog