Sababaha keena Furiinka Badan Akhriso qodobadaan muhiimka ah.

Tuesday, December 18, 20120 comments


Lamaanaha Soomaalida inta badan waxaa soo kala dhex gala shukhaaqo xal loo la’ayahay iyadoo mudooyinkii ugu danbeesay furiinku ka dhex noqday mid iska fudud oon wax weyn laga soo qaadin.

Hadaba Furiinka waxyaabaha keena maahan kuwa buug gooni ah ku qoran balse baaritaan ay sameesay Shabakada newbanaadir.com ayaa lagu xaqiijiyey in furiinka badan keenaan qodobadan hoos ku xusan.

In Gabadhu ama wiilku midkood leeyahay saaxiib uu ka tala qaato , saaxiib xun oo uu dhibsado midkan kale taasoo dhib weyn ku ah habsami socodka Qoyskaas waxaase ugu danbeen imaanaysa in la is fahmi waayo saaxiibkaas xun dartiis , iyo midka tala laga qaatay oo taladiisa ku gooya kala tag iyo burbur.

Sidoo kale furiinka maanta waxaa sababa , Kala maqnaasho, markii ay dhacday dowladii Soomaaliya waxay qoosaska soomaaliyeed noqdeen kuwa ku kala nool wadama kala duwan waxaase dhacaysa in , Labada Lamaane midkood adkeeysan waayo ama ka aamino in ruuxaasi meesha uu joogo ku heesto mid lamid ah uusana tabeen isaga , taasna waxay sababi kartaa isfaham waa badan oo kala tag ku dhamaada.

Ugu danbeyn Furiinka maanat waxaa sababi kara in Bilaawga xariirka been la isku sheego Tusaale waxay soomaalidu tiraahdaa Gabadha Beenbaa lagu soo xera galiyaa runtana waa lagu dhaqaa, balse gabadhu hadii ay aragto waxyaabihii lagula balamay waxaa sahal noqoneeysa ineey cuqdad kuu qaado halkaasna ay rajadii ay laheed ku weyso , waxaana sahal ah kalatag.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog