Daawo Sawirada Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay adeeg Internet oo cajiib ah.

Sunday, December 30, 20120 comments

War-Saxaafadeed. Maanta oo taariikhdu tahay 29/12/2012, waxaa sharaf u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Inc. in ay ku dhawaaqdo adeegga 3 G “ Third Generation “.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia , oo ku caan baxady in ay macaamiisheeda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedba u soo bandhigto hadba adeegyada casriga ah ee dunida ka jira, waxay xilliyadii u dambaysay soo bandhigtay adeegyo ay ka midyihiin, E-Voucher, EVC, EVC Plus, GPRS, iyo adeegga Dalmar “ International Rooming “.

Sidaa awgeed Hormuud Telecom , oo marwlaba ku dadaalaysa qancinta macaamiisheeda iyo la socodka horumarka Technology-da caalamka, waxay soo bandhigaysaa adeegga 3 G.

Adeeggan cusubi wuxuu macaamiisha u sahlayaa , in ay helaaan Internet ku filan, maqal iyi muuqaal { Video Conference} kaas oo jaamacaduhu uga faa’iidaysan karaan adeegga waxbarashada , iyaga oo Macalimiin ku sugan Caalamka daafihiisa ku xidhaya ardayda ku sugan waddanka gudihiisa .

Haddaba Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom , iyo dhammaan shaqaalaha Shirkadduba waxay bogaadinayaan daahfurka adeeggan cusub.

waxayna ugu baaqayaan Macaamiisha Hormuud inay ka faa’iidaystaan adeeggan kaabaya noloshooda.
Sidoo Kale Shirkadda Hormuud Telecom waxay u ballan qaadaysaa dhammaan macaamiisheeda , in ay marwalba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.

"Hormuud Telecom, waa haqabtiraha baahidaada isgaarsiinedd.” 


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog