Daawo Sawirada "Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo U Yeertay Safiirrada Soomaaliya U Fadhiya Dalalka Caalamka"

Wednesday, December 19, 20120 comments



Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane  Jamaal Maxamed Barroow ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda mudane Jamaal Maxamed Barroow ayaa garoonka diyaarada Aadan Cadde waxa ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, aqoonyahano iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah dowladda.

Shir jaraa’id oo uu wasiirku ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qeybta VIP-da ayuu ku faahfaahiyay ujeedada safarkiisa iyo sida uu arko mas’uuliyada adage e loo magacaabay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku intaa raaciyay in isagoo ku maqan safar dibada ah loo magacaabay xilkan, sidaasi darteedna uu soo gaabiyay safarkiisii dibna uu dalka ugu soo laabtay, isagoo soo hadalqaaday isbedelka ay xukuumadu dooneyso in ay ka dhaliso dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in wasaaradu ku guuleysandoonto howlaha loo igmaday,  isla maraana ay dib u soo celindoonto sharafti, qiimihi iyo sumacaddii ay Soomaaliya ku laheyd caalamka intiisa kale.
Wasiirk ku xigeenka ayaa tilmaamay in wasaaradu ay waddo watashiyo ay ku dooneyso sidii ay dib ugu howlgelin laheyd safaaradihii ay Soomaaliya ku laheyd wadamada caalamka,  isagoo xusay in loo yeeray dhamaan Danjirayaashii Safaaradaha dibadda.

Todobaadki aynu ka soo gudubnay ayeey aheyd markii R/wasaaraha Soomaaliya mudane Saacid uu dhameystiray golihiisa wasiirada,  kadib markii uu magacaabay 20 wasiir ku xigeen iyo Shan wasiirudowlo,  taas oo tirada guud ee xubnaha golaha wasiirada ka dhigeysa 35.


























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog