Daawo Sawirada "Wasiirka arrimaha gudaha oo habeenkii Labaad kormeeray qeybo ka mid ah isgoysyada Magaalada Muqdisho"

Tuesday, December 25, 20120 comments



Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ay wehliyaan taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ayaa habeenkii Labaad kormeeeray xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Kormeerka wasiirka arrinaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed uu ku tagay xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Ujeedadiisu aheyd u kuurgelida sida ay ciidamada ammaanku uga howlgalaan Xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen taliyayaasha ciidamada Boolliska iyo Nabadsugida ayaa waxa ay ku soo wareegeen xaafado ka mid ah degmooyinka Deyniile, Yaaqshiid, iyo C/casiis, iyadoo wasiirku si gaar ah kormeerkiisa ugu Dheeraaday xaafado ka mid ah degmada Deyniile,  kuwaas oo la rumeysanyahay In ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Shabaab.

Taliyaha ciidamada Booliiska Shariif Sheekhuna Maye ayaa Sheegay in ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid la geeyay deegaanka loo Yaqaano Tiida oo ka tirsan degmada Deyniile.

Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada Nabadsugida ee G/Banaadir oo hadlay ayaa Sheegay in ciidamadu ay howlgal iyo rondo joogta ah ka sameyndoonaan Xaafadaha degmada Deyniile.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Ex-konrtool Balcad ayaa sheegay in ujeedada kormeerkiisa Ay tahay , la socoshada sida ay u shaqeeyaan ciidamada amaanka, si loo dardar Geliyo howlaha lagu sugayo ammaanka caasimada.

Waa habeenkii Labaad ee wasiirka arrimaha gudaha uu kormeer ku tagayo qaar Ka mid ah degmooyinka G/Banaadir si uu hubiyo qaabka ay ciidamadu uga Howlgalaan degmooyinkaasi.




































































































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog