Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xirsi wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo abaaro tobankii iyo barkii barqanimo ee manta ka soo dagay gagida diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Wasiirka oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Kenya iyo kulamadii ay la qaateen mas’uuliyinta dowladda Kenya.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay waxyaabihii ay dowladda Kenya kala hadleen ay ka mid ahaayen in la siiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool dalkaasi xaquuqdii ay la ahaayeen isagoo sidoo kale carabka ku dhuftay in dowladda Kenya ay ka codsadeen sida ugu munaasabsan dib loogu soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulamo magaalada Nairbo kula soo qaatay madaxda dalkaasi kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dalka iyo sidii loo dhowri lahaa hantida ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ee taala dalka Kenya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com