Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii shalay lagu qabtay dabaaldaga Xuska maalin la sheegay in lee asteeyay Dameerada kaa oo lagu qabtay Mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Magaalada Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Xafladan lagu xusayay Maalinta Dameerada waxaa kasoo qeyb galay Dadweyne kala duwan ay kujiraan aqoonyahano ,dhalinyaro abwaano kuwaa oo inta badan ku dheeraaday ka hadlida Maalinta loo asteeyay Dameerada.
Munaasabada Xuska Maalinta Dmaeerada ee loo asteeyay 16-12-2012 waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka soo qaban qaabiyay Xafladan oo lagu Magacaabo Bashiir C/laahi Yuusuf kaa oo sheegay in muhiim tahay in la xuso maalintan lana dhooro Xaquuqda dameeraha lagana yareeyo rarka badan ee lagu Qaado.
Waxaan Goobta xaflada ka dhaceysay lagu soo bandhigay Dameer si aad ah loo soo xardhay kaa oo la gudoonsiiyay shahaado sharaf ,iyadooan Xuskan oo ah mid kucusub dhagaha umada Soomaaliyeed ay aad ula yaabeen in Maalin gaar ah Dameerada loo asteeyo Xusna loo sameeyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com



