Warbixintan waxaa kusoo qaadanaynaa ninkii ugu horeeyay ee Ingiriis
ah oo muddo afar sanno safar ku taga ilaa 201 dal waliba waxaa sii dheer
inuusan raacin ama uusan ku duulin diyaarad waxaana uu sameeyay arrin
aan hore loo samayn.
Ninkaan Ayaa ugu magac daray warbixintaan Socdaal laakin magaciisa
saxda ah waa Graham Hughes oo 33 jir ah wuxuu booqday ilaa 201 dal oo ku
yaalla Qaaradaa Australia,Yurub,Ameerika,Aasiya iyo Afrika.
Graham Hughes ama Socdaal wuxuu intii uu safrayay isticmaalin
diyaarad oo uu raacin ama uusan ku duulin waxaana uu sheegay inuu
adeegsaday kaliya Basas,Takaasi,Tareeno,Maraakiib,Dooman iyo lugtiisa oo
uu maalayay ama uu lugeenayay.
Socdaal ninkaan aan ugu magac daray warbixintaan waa Graham Hughes
wuxuu socod ku maray 160 kun oo mile ama 256 kun km oo caalamka oo dhan
ah.
Ninkaan ayaa safar dhibaato badan ku maray caalamka wuxuna ka
bilaabay magaalada Liverpool oo ah halka uu ku dhashtay wuxuuna kusoo
gabo gabeeyay magalada Juba ee caasimadda dalka Koofurta Sudan wuxuuna
bilaabay sanadka cusub 1-dii January ee 2009-kii.
Safarka socdaal ama Graham Hughes, ayaa qaatay 1,426 Maalmood waxaana
todobaadkii uu cunayay cunto raqiis ah oo lagu sheegay qiimo ahaan ah
100 Dollar si uu u beekhaamiyo dhaqaalihiisa maadaama uu safar ku
tagaayo dalal badan oo caalamka ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
