Wiil Soomaali ah oo fal tuuganimo ama dhac ah faraha kula jirey ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay oo toogasho loogu geystey qorigii ama bistooladii uu watey oo uu damacsanaa inuu wax ku dhaco, iyadoona laba kale oo Soomaali ah ay ka baxsadeen goobtaas ka dib markii ay naftooda u yaabeen.
Soomaaligaan oo lagu magcaabo Ibrahim Abukar oo 22 sano jir ah oo ay weheliyaan 2 kale oo sida la qiyaasaayo ahaa Soomaali kale ayaa waxaa la sheegay inay jabsadeen oo ayna u dhaceen guri uu leeyahay nin lagu magacaabo Mike Vrga oo ku yaala magaalada Mississauga ee dalkaas Canada, Laakiin ninkaas ayaa tuugadaas Soomaalida ah u babac dhigay oo dagaal kala hortegay taas oo keentay inuu la qabsaday qorigii uu watey Soomaaligaas ka dibna dagaal iyo hardan ka dib uu Soomaaligaas ay qabsatey xabadii oo uuna isla goobtaas ku geeriyooday iyadoona ay goobtaas ka baxsadeen labadii kale ee Soomaalaida ahayd, Ninkaan gurigaas loo dhacay oo ahaa nin dheer oo laf iyo xoogba leh ayaa waxaa sidoo kale xilligaas ku sugnaa goobtaas xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay, Booliiska oo teleefoon loo direy ka dib soo gaarey goobtaas ayaa waxay halkaas kula kulmeen meydka ninka Soomaaliga ah oo yaaley goobtaas uu shilka ka dhacay.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalaigaas geeridiisa ay dad badan oo Soomaali iyo aajanabiba ah ay ku noqotey wax la yaab iyo fajac ah maadaama aan ninkaas laga fileyn wax la mid ah falkaas la sheegay in loo dilay oo uu ahaa nin aqoonyahan aqlaaq wanaagsan oo ganacsadane ahaa islamarkaana waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaarsiisan oo bulshada uu ku dhex noolaana looga bartey dabeecad iyo dhaqan wanaag ayaa qaar ka muid asxaabtii taqaaney ninkaas waxay ku sheegeen inay ku noqtey wax maskaxda ka weyn inuu ninkaas dhintey uu ku lug lahaado falkaas wax lagu dhacaayey, Ninka falkaas dilka ah geeystey ayaa waxaa la sheegay in laga yaabo inaan waxba loo raacin oo aan loo qaban falkaas uu ku dilay ninkaas Soomaaliga ah maadaama ay arintu u muuqato fal uu isku difaacaayey oo loogu yimid gurigiisa, Sidoo kale cunsuriyiinta dalka Canada ayaa waxay ninkaas oo ay ku tilmaameen geesi codsadeen in loo fidiyo taageero iyagoona walibana u sameeyey boga Facebook oo ay ugu magac dareen “Support For Mike Vrga - A Real Canadian Hero” iyo wadamada aduunka Dhimashada Soomaaligaan ayaa waxay ka dhigeysaa qofkii 7 aad oo Soomaali ah oo mudo dhowr bilood gudahooda ah lagu dilo dalkaas Canada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
