Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay Muqdisho ku dishay Davies Julius.

Sunday, December 16, 20120 comments


Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheykh Cali Maxamuud Raage ayaa shir’araa'id oo uu maanta qabtay kaga hadlay weerarkii shalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama ee lagu beegsaday Kolonyadii Ciidamada Afrikaanta isagoona sheegay in weerarkaasi lagu beegsaday Saraakiil Caddaan ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in Weerarka lagu qaaday kolonyo ciidamo Afrikaan ah oo galbineysay Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka kaasi oo howllo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho isagoona sheegay in weerarka sidii loo qorsheeyey uu u dhacay.

Waxaa uu sheegay in halkaasi ay ku dhinteen Saraakiil Afrikaan ah islamarkaana uu dhaawac ku noqday Mas'uulka Dowlada Mareykanka u qaabilsan la dagaalanka "Argigixisada Bariga Afrika" isagoona sheegay in kolonyada la weeraray uu qasaare xoogan soo gaaray.

Sarkaalkan oo Magaciisa lagu sheegay Davies Julius ayaa shirqoolo ka dhan ah Mujaahidiinta Soomaalia uu ka waday Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in Sarkaalkaasi isagoo dhaawac laga duuliyey Muqdisho islamarkaana shirqoolkii uu maleegayey uu Allah isaga ku celiyey.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog